Friday, August 15, 2025

Half Marathon Hargeysa oo ay Jabuuti Guusha raacday.

Hargaysa (Dawan)-Magaalada Hargeysa ayaa maanta martigelisay tartanka orodka ee nus-marathon (Half Marathon), kaas oo sanadkan galay sannadkii saddexaad ee la qabto, isla markaana soo jiitay ciyaartoy caalami ah oo ka kala yimid dalal badan oo Afrika ah.

Orodyahan Xuseen oo ka socday dalka Jabuuti ayaa galay kaalinta halka Fu’aad oo Somaliland u tartamayay uu galay kaalinta labadaad.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb galay orodyahanno ka socday Itoobiya, Jabuuti, Congo, Cameroon, Zambia, Chad, Angola iyo Somaliland oo marti galineysay tartanka.

Orodka, oo masaafo ahaan ahaa 21.1 kiiloomitir, oo ka soo bilowday hoteelka Royal  ayaa waxaa bar dhamaad u ahaa  garoonka  magaalada Hargeysa, waxaana uu soo maray wadooyin waaweyn oo ay ku hareereysanaayeen dadweyne taageero u muujinayay ka qaybgalayaasha.

Shirkadda Dahabshiil ayaa qayb muhiim ah ka qaadatay maalgelinta tartanka, taas oo qayb ka ah taageerada shirkaddu siiso horumarinta ciyaaraha iyo caafimaadka bulshada. Wasaaradda dhalinytarada iyo ciyaraha Somaliland oo soo Qaban-qaabisay ayaa sheegay in maalgelinta noocan oo kale ah ay muhiim u tahay sii socoshada iyo ballaarinta tartanka mustaqbalka.

Tartanka nus-marathon-ka Hargeysa ayaa si isa soo taraysa uga mid noqonaya dhacdooyinka Ciyaaraha ee ugu caansan gobolka, iyadoo la filayo in sannadaha soo socda uu sii kordhiyo tirada ka qaybgalayaasha caalamiga ah iyo taageerayaasha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here