Thursday, July 3, 2025

Halkee ku dhammaan doontaa ciyaarta siyaasadeed ee Soomaaliya?

Muqdisho (Dawan ) – Hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa maanta dib ugu laabtay miiska wadahadalka ee wareegga labaad ee kulammada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee mucaaradka ah.

Wadahadalladan, oo ka fumay Madaxtooyada Sooomaaliya , ayaa ka dambeeyay wareegkii hore ee si weyn loo faallooday, waxaana lagu tilmaamay guul diblomaasiyadeed, taasoo sabab u ah in labada dhinac ay ku heshiiyeen ajendaha iyo in ay wajahaan wada hadal toos ah markii ugu horreysay muddo bilah ah, iyada oo aan loo baahnayn dhex-dhexaadinta hay’adaha caalamiga ah.

Ajendaha  ugu waaweyn ee miiska saaran waxaa ka mid ah laba arrimood oo muhiim ah :

  1. Dib-u-eegista afarta qodob ee ugu horreeya ee dastuurka ku meel-gaarka ah, kuwaas oo quseeya qaab-dhismeedka dowladda iyo nidaamka doorashada.
  2. Qaabka doorashada Dalka, oo ay ku jirto su’aasha ah in Soomaaliya ay horay ugu socon doonto habka “hal qof, hal cod” iyadoo la raacayo shuruucda iyo qaab-dhismeedyada hadda jira.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeysanaya in mucaaradku aqbalaan qodobada la beddelay ee dastuurka si loo horumariyo wada hadalka qeybaha kale. Si kastaba, mucaaradku waxay qabaan in nidaamka dastuurka la hakiyo illaa ka dib doorashada, iyagoo ka cabsi qaba in isbeddelada hadda lagu sameeyo ay siinayaan madaxweyne ku meel-gaar ah faa’iido aan cadaalad ahayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ugu jira in mucaaradka ay aqbalaan cutubyada wax ka bedelka lagu sameeyay, isla markaana la sii amba qaado ka doodista qeybaha dhiman. Mucaaradku, ayaa ku doodaya in nidaamka dastuuriga ah la hakiyo ilaa inta doorashadu ka dhacayso, iyaga oo ka walaacsan in isbeddel kasta oo hadda la sameeyo uu faa’iido aan caddaalad ahayn u tahay madaxtooyada.

Dhinaca doorashada, Madaxweynaha ayaa doonaya in la fuliyo sharciga doorashada hadda jira iyo in la sii wado guddiga doorashada madax-bannaan ee hadda jira. Mucaaradku waxay diidan yihiin arrintaas, waxaana ay soo jeedinayaan habka doorasho isku dhafan, qiyaas ahaan mid u dhexeysa codbixin toos ah iyo midka dadban oo ay ku heli karaan saameyn ay ku dhex yeeshana habka doorashada.

Illaa hadda, labada dhinac waxay ku jiraan aagag kala fog.

Dadka siyaasada indha indheeya ayaa aaminsan in labada dhinac midkoodna uusan filayn in heshiis la gaaro inta lagu guda jiro wareegan. Taa beddelkeeda, labaduba waxay u muuqdaan kuwo diiradda saaraya maaraynta wakhtiga. Istaraatiijiyadda Madaxweynaha ayaa u muuqata mid loogu talagalay in lagu riixo geeddi-socodka doorashada oo ay u noqoto mid siyaasadeed oo aan laga laaban karin ka hor inta uusan dhammaanin mudadiisa May 2026. Dhanka kale, mucaaradka ayaa isku dayaya in ay gaabiyaan geeddi-socodkaas, iyagoo rajeynaya in ay gaaraan dhammaadka muddada iyo inay dib ugu biiraan wada-xaajoodyada si siman wareegga siyaasadeed ee soo socda.

Ciyaartan siyaasadeed waxay gashay waqti dheeri ah. Mucaaradku waxa uu raadinaya in ay tartanka u jiidaan rigoorayaal  halkaas oo isbeddel cusub uu dib u dejin karo dhibcaha ciyaartaan. Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu difaacayaa yoolkiisa hore, isaga oo isku dayaya in uu saacada ordisiiyo ilaa May 2026. Haddiise labada dhinac mid kasto ku ciyaaro ugu garoonka  inuu ku guuleysto oo tanaasulka ka boxo, Shacabka Soomaaliyeed ayaa mar kale indhaha ka daawan doona – niyad jab, awood la’aan iyo natiijo la’aan ka dhalata ciartaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here