Thursday, May 8, 2025

Hindiya iyo Pakistan oo galay dagaal laga digayo

NEW DELHI/ISLAMABAD – Xiisadda u dhaxeysa dalalka nukliyeerka leh ee Hindiya iyo Pakistan ayaa si weyn u cirka isku shareertay kadib weerarro cirka ah oo ay Hindiya ku qaaday gudaha Pakistan iyo dhulka ay maamusho ee Kashmir. Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabtay iyadoo soo ridday shan diyaaradood oo dagaal oo Hindiya leedahay iyo hal diyaarado drone ah, ayna diyaar u tahay in si buuxda u aargudato.

Weerarradan, oo loogu magac daray Hawlgalka Sindoor, ayaa la fuliyay Arbacadii, waxaana la sheegay in la bartilmaameedsaday xarumo ay leeyihiin kooxaha hubeysan ee Lashkar-e-Tayyiba iyo Jaish-e-Mohammed, kuwaas oo Hindiya ku eedeysay weerarkii lagu dilay 26 ruux oo dalxiisayaal ahaa bishii April ee Pahalgam, Kashmir.

Mas’uuliyiin Hindi ah ayaa u sheegay CNN in la duqeeyay sagaal goobood, iyagoo ku adkeystay in aysan jirin bartilmaameedyo rayid ah oo la beegsaday. Balse Pakistan ayaa sheegtay in weerarradaasi ay dileen 26 qof oo rayid ah, ay ku jiraan caruur iyo dhalinyaro, islamarkaana la beegsaday masaajidyo, iyadoo sidoo kale la dhaawacay ugu yaraan 46 ruux.

Milatariga Pakistan ayaa sheegay in tani ay tahay weerarkii ugu ballaarnaa ee Hindiya ka fuliso gudaha Pakistan tan iyo dagaalkii 1971-dii. Waxa ay intaas ku dareen in ay soo rideen shan diyaaradood oo dagaal iyo hal drone Hindiya leedahay, inkasta oo aan weli la xaqiijin wararkaasi dhanka Hindiya.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa cambaareeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “fal dagaal” oo Pakistan xaq u siinaya inay ka jawaabto si milatari ah.

Weerarradan ayaa sababay hakad iyo leex-leexasho duulimaadyo caalami ah, iyadoo Pakistan ay xirtay qeybo ka mid ah hawadeeda, shirkado diyaaradeedna ay ka leexdeen hawada dalkaasi. Duulimaadyo gudaha ah oo Hindiya ahna ayaa hakad galay.

Xiisaddan cusub ayaa ka dhalatay weerarkii lagu laayay dalxiisayaal Hindi ah oo ka dhacay Pahalgam, weerar si weyn uga careysiiyay shacabka iyo xukuumadda Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, taasoo keentay in labada dal kala laabtaan wakiiladoodii diblomaasiyadeed, joojiyaan fiisayaasha, India-na ay ka baxdo heshiiskii biyaha ee labada dal.

Tan iyo 1947-kii, Kashmir ayaa ahayd isha ugu weyn ee muranka u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan, iyadoo sababtay saddex dagaal oo buuxa iyo tobannaan kun oo dhimasho ah. Maanta, waa mid ka mid ah meelaha ugu ciidan badan dunida.

Qaramada Midoobay iyo dalal badan ayaa ka digay khatar dagaal buuxa. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay is dajiyaan, isagoo yiri: “Dunidu ma awoodi karto dagaal buuxa oo u dhexeeya laba wadan oo nukliyeer wata.”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here