Sunday, May 25, 2025

Hirshabeele oo Joojisay wada shaqeyntii Hay’ada SODMA.

Soohoyde

Hirshabeele – 25 May 2025 – Maamulka Hirshabeelle ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu joojiyay wada shaqeyntii uu la lahaa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SODMA), kadib markii uu khilaaf xoogan ka dhashay gargaarkii ay hay’addu geysay gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Hirshabeelle ayaa si kulul loogu eedeeyay SODMA inay sameysay wada shaqeyn xumo, ku tagrifal hantida loogu talagalay shacabka, hufnaan la’aan iyo maamul xumo baahsan oo ka jirta hay’adda uu hogaamiyo Guddoomiye Maxamuud Macallin.

Wasaaraddu waxay caddeysay in ay gabi ahaanba jartay xiriirkii iyo wada shaqeyntii kala dhaxeysay hay’adda SODMA.

Khilaafkan ayaa cirka isku shareeray kadib markii Guddoomiyaha hay’adda SODMA uu gargaar xadidan geeyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, taasoo ay si weyn uga biyo diideen maamulka gobolka iyo shacabka deegaanka.

Gargaarkaasi oo la socday laba diyaaradood ayaa la sheegay inuu ka koobnaa agab aan buuxin karin baahida ba’an ee ka jirta gobolka. Qalabka lasoo gaarsiiyay  hiiraan oo ay soo bandhigeen maamulka gobolka ayaa waxaa ka mid ahaa: qalab lagula tacaalo cudurrada faafa, ookiyaalayaal loogu talagalay darawallada mootooyinka, laba kartoon oo faleembooyin ah, hal kartoon kaniini ah, iyo kartoon sharoobo ah oo muddo laba bilood ah ka harsan tahay inuu dhaco.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, ayaa sheegay in gargaarkaasi uusan waxba ka beddeli karin xaaladda adag ee dadka deegaanka ay la daalaa dhacayaan, wuxuuna tilmaamay in aysan aheyn wax la aqbali karo in gargaarka la keeno uu sidan u hooseeyo.

Go’aanka Hirshabeelle ee ah in ay xiriirka u jarto hay’adda SODMA ayaa banaanka keenay khilaaf xooggan oo muddooyinkii dambe cirka isku sii shareerayay, wuxuuna si weyn u muujinayaa caqabadaha horyaalla wada shaqeynta hey’adaha dowliga ah iyo kuwa federaalka ee la xiriira gurmadka musiibooyinka iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here