Saturday, July 27, 2024

Soomaaliland: Abwaan Jaamac kadiye waxaa dilay argagixiso

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliland ayaa bayaan kasoo saaraty dhimashada abwaan Jaamac Kadiye oo shalay lagu dilay magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, iyada oo iska fogeysay inay ka danbeysay dilka abwaanka.

Ciidamada Soomaaliland ayaa lagu eedeeyay inay shalay duqeyeen magaalada Laascaanood kadibna ku dileen abwaan Jaamac Kadiye iyo dhwor qof oo kale.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliland ayaa lagu sheegay in dilka abawaanka ay ka danbeeyeen kooxo argagixso ah oo saldhig ka dhigatay Laascaanood.

Wasaaraadda ayaa tacsi u dirtay qoyska iyo ehelladdii abawaanka, iyada oo ku tilmaanatay arrin laga xumaado dilka loo geystay abwaanka.

Soomaalilanad ayaa beensisay wararka sheegaaya in shalay magaalada Laascaanood ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Soomaaliland iyo reer Laascaanood.

Dagaalaka ka socday bilihii lasoo dhaafay magaalada  Laascaanood ayaa sababy dhimasho iyo dhaawac tira badan, waxaana ku bara kacay kumanaan qof.


Dowladda Soomaaliya iyo ha’yadaha u dooda xuquuqda aadanah ayaa dhwor jeer ku baaqay in la joojiyo colaadda, wixii jira oo khilaaf ahna lagu xalliyo miiska wada hadalka.
Abwaan Jaamac Kadiye ayaa lagu xasuusta suugaantiisa waddaniga ah iyo siduu u wacyi gelin jiray bulshada Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here