Monday, June 2, 2025

Hirshabeelle oo Buuxisay Kuraas Bannaaneed Ku Dhawaad Labo Sano

JOWHAR, Soomaaliya – Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya ayaa maanta buuxisay laba kursi oo Baarlamaanka Federaalka ka bannaaneyd muddo ku dhow labo sano, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay ahayd Hirshabeelle.

Kuraastaan Golaha Shacabka ayaa si rasmi ah loogu buuxiyay munaasabad ka dhacday Jowhar, taas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Hirshabeelle, xubno ka socday bulshada rayidka ah, iyo odayaasha dhaqanka ee beelaha ay kuraasta la buuxinayay ka soo jeedaan sida ay sheegtay warbaahinta Hirshabeelle.

Warbaahinta ayaa intaas ku dartay in Natiijada doorashada uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cabdi Caddow Maxamed, kaas oo sheegay in natiijada ay ku geeleysteen Abdikarin Maxamed Diriye iyo Abdulqadir Maxamuud Maxamed, kuwaas oo kala helay kuraasta HOP097 iyo HOP098.

Kuraasta ayaa bannaanaaday kadib geeridii Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed (Seysey).

Abdikarin Maxamed Diriye, oo ah walaalka Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye, ayaa ku guuleystay HOP097 isagoo helay 78 cod, isagoo kaga adkaaday Maxamed Maxamud Geeddi. Sidoo kale, Abdulqadir Maxamuud Maxamed, oo ah wiilka Xildhibaan Maxamuud Maxamed (Seysey), ayaa ku guuleystay HOP098 isagoo helay 90 cod, isagoo kaga guuleystay Axmed Adan Muxyadiin.

Kuraastaan ayaa bannaaneed kadib geeridii Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye oo ku geeriyootay Jabuuti Diseembar 2023 iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed (Seysey) oo geeriyooday Maarso 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here