Thursday, September 19, 2024

Hoggaamiyaha Khaatumo oo la kulmay Madaxweyne Geelle

Jabuuti (Dawan)- Hoggaamiyaha kumeel gaarka ah ee maamulka SSC Khaatumo, Cabduqaadir Axmed Cali ayaa madaxtooyada Jabuuti kula kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle iyo Hoggaamiyaha ayaa ka wada hadlay arrimaha nabadda, xasilloonida gobolka iyo Ddowlad dhiska Soomaliya.

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabduqaadir Axmed Cali ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Geelle iyo shacabka Jabuuti sida ay mar walba uga go’an tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Booqashada Hoggaamiyaha SSC Khaatumo ee Jabuuti ayaa kusoo beegantay maalmo yar kadib markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay in ay jiraan Jabahdo ku sugan Jabuuti oo usoo hanjabay Somaliland.

Jabuuti oo arrintaas ka jawaabeysa ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka deriska ah, waxayna hoosta ka xariiqday doorka ay ka ciyaareyso wada-hadallada iyo iskaashiga gobolka.

Dowladda Jabuuti ayaa martigelisay wadahadalladdii ugu dambeeyay ee dabayaaqadii sannadkii hore dhex mary Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo la doonayay in xal looga gaaro muranka midnimada iyo gooni isu taagga ee soo jiitamayay in ka badan 30 sano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here