Friday, July 25, 2025
Array

Imaaraadka ayaa Berbera ka dhisaya Mashruuc Guryo $7.5 Milyan ah

Berbera (Dawan) – Dowladda Imaaraadka ayaa ka daahfurey Somaliland mashruuc guryo dhisid oo qiimihiisu yahay AED 27.5 milyan (qiyaastii $7.5 milyan), sida ay sheegtay wakaalada Wararka Imaaraadka Arbacadii.

Mashruuca waxaa hirgelinaya Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi (ADFD) oo ah hay’ad dowladda Imaaraadka leedahay. Mashruucan waxa lagu dhisayaa 300 oo guryo ah, oo si istiraatiiji ah loo qorsheeyey si ay u daboolaan baahiyaha kala duwan ee qoysaska. Sidoo kale, waxaa lagu hormarinayaa kaabayaasha muhiimka ah sida nidaamyada biyaha, shabakadaha musqulaha iyo wadooyinka gudaha, iyo meelaha cagaaran—iyadoo la abuurayo deegaan dhamaystiran oo ka taageeraya nolol wanaagga dadka deggan.

Mashruucani wuxuu awood u leeyahay inuu hoy siiyo qiyaastii 1,500 qof, waxaana uu kaalin muhiim ah ka qaadanayaa xallinta baahida guryaha ee gobolka, isla markaana abuuri doona fursado shaqo iyo korriin dhaqaale

Sida ay sheegtay wakaalada Wararka Imaaraadka, intii lagu guda jiray xafladda furitaanka, Maxamed Aw-Cali Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ayaa ugu mahadceliyey Imaaraadka taageerada joogtada ah ee ay u fidiso iyo inuu aqoonsaday mashruuca inuu yahay horumar muhiim ah oo lagu hagaajinayo xaaladaha nololeed ee Berbera.

“Mashruucani waa talaabo istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo tayada nolosha muwaadiniinteena, iyadoo la siinayo guryo ammaan ah, oo sharaf leh, iyo kor u qaadista horumarinta dhaqaalaha deegaanka,” ayuu yiri Cabdi. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in faa’iidooyinka mashruuca ay ka badan yihiin guryaha, iyadoo uu ka koobanyahay horumarinta kaabayaasha iyo bixinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Maxamed Saif Al Suwaydi, Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi, ayaa xusay in mashruucani uu qayb ka yahay dadaalka guud ee Imaaraadka ee lagu xoojinayo kaabayaasha iyo xasilloonida bulshada ee Somaliland. “Bixinta guryaha ku filan waa udub dhexaadka xasilloonida bulshada iyo horumarka dhaqaalaha. Iskaashigan wuxuu faa’iido u yeelan doonaa kumanaan Soomaali ah, iyadoo uu abuuri doono fursado cusub iyo dhaqaale kobcin doona,” ayuu yiri.

Sida ay sheegtay wakaalada Wararka Imaaraadka, mashruucan guryeynta ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo ay maalgelineeso Imaaraadku deeq lacageed oo dhan AED 330 milyan kaas oo uu maamulo Sanduuqa Horumarinta Abu Dhabi, loogu talagalay qorshayaal istiraatiijiyadeed oo kala duwan oo Somaliland ah, oo ay ku jirto dib-u-soo-celinta jidka isku xira Berbera iyo Hargeysa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here