Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka Golaha Wasiirada Cadaaladda Carabta

Bagdaad (Dawan)- Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Macalin Maxamuud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa ka magaalada Bagdaad uga qeyb galay kalfadhigii 39-aad ee shirka Golaha Wasiirada Cadaaladda Carabta.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay dhinacyo badan, wuxuuna warbixin ka bixiyay dib u habeynta iyo hagaajnta lagu sameeyay Hay’adaha Garsoorka iyo Caddaaladda ee Soomaaliya muddadii ugu dambeysay.

Inta uu socdo kalfadhiga 39-aad ee Golaha Wasiirada Cadaaladda Carabta, waxa laga doodi doona dardar gelinta heshiisyada la xiriira la dagaalanka Argagaxisada, Dhiqista lacagta, Maalgelinta kooxaha Argagixisada iyo dembiyada Tiknoolajiyada.

Magaalada Bagdaad ee dalka Ciraaq ayaa markii ugu horeysay martigelineysa shirka Golaha Wasiirada Cadaaladda Carabta, waxaana goob joog ah Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit iyo mas’uuliyiin ka socda 21 dal.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ayaa shalay oo Axad ahayd gaaray magaalada Baqdaad, si uu uga qeyb galo shirka Golaha Wasiirada Cadaaladda Carabta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here