Hargeysa (Dawan)– Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii ku wareejisay Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland deeq raashin ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo 9,000 qoys oo si daran ey u saameesay abaarta ka taagan qaybo badan oo ka mid ah Somaliland.
Deeqdaan raashinka ah waxaa si rasmi ah u wareejiyey Cabdalla Al Naqbi, Agaasimaha Xafiiska Ganacsiga Imaaraadka Carabta ee Somaliland. Munaasabadda wareejinta waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha.baaraha.
Guddiga ayaa sheegay in deeqdan ay tahay qeyb ka mid ah kaalmooyin horudhac ah oo ay helayaan dadka nugul, iyagoo uga mahadceliyay Imaaraadka taageeradooda joogtada ah ee shacabka Somaliland, gaar ahaan waqtiyada ay abaartu taagan tahay.
Sidoo kale, guddigu waxa uu guddoomay deeq lacageed oo dhan 120 milyan oo Shilin Somaliland ,taasoo si iskaa ah u bixiyeen shaqaalaha Bangiga Somaliland, iyadoo uu guddiga si rasmi ah ugu wareejiyey Guddoomiyaha Bangiga, Cabdinasir Axmed Xirsi.
Guddiga ayaa sheegay in labada deeqood—raashinka iyo lacagta—si degdeg ah loogu bixin doono dadka abaartu saameysay, iyada oo qorshaha uu yahay in si toos ah loogu gaarsiiyo deegaannada ugu daran.
Gargaarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” uu 21-kii Luulyo ku dhawaaqay olole gurmad degdeg ah, isagoo beesha caalamka ugu baaqay in ay si dhaqso leh uga jawaabaan xaaladda bani’aadantinimo ee somaliland ka taagan.