Saturday, September 28, 2024

IMF iyo Itoobiya oo isla gartay dib u eegista barnaamijka dhaqaalaha

Addis Ababa (Dawan)- Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ku dhawaaqday Jimcihii in ay heshiis heer-shaqaale ah la gaartay mas’uuliyiinta Itoobiya si dib u eegisti koowaad loogu sameeyo barnaamijka dhaqaalaha ee afarta sano ah, kaas oo ah $3.4 bilyan

IMF waxay xaqiijisay in heshiiska uu sugayo oo kaliya ansixinta maamulka sare iyo guddiga fulinta toddobaadyada soo socda, kaas oo u oggolaanaya Itoobiya inay hesho ku dhawaad ​​345 milyan oo doolar oo maalgelin ah.

Alvaro Piris, oo ah madaxa howlgalka IMF, ayaa sheegay in fasaxidda sarrifka lacagaha dalkaas inay qay ka qaatay barnaamijka dib u habeynta dhaqaalaha, isaga oo intaa ku daray in nidaamka cusub ee sarifka lacagaha, ee la soo bandhigay dabayaaqadii bishii July, inuu si weyn u yareeyay farqiga u dhexeeya suuqyada rasmiga ah iyo kuwa kale, inkasta uu qiray inay carqalad ku tahay dhaqaalaha guud.

Nidaamkan loogu ogolaaday Itoobiya bishii Luulyo 2024 lacag dhan $3.4 bilyan, waa qayb ka mid ah isbeddellada dhaqaale ee looga golleeyahay horumarinta iyo xasilloonida dhaqaalaha, si lo helo sarrifka lacagaha shisheeye.

IMF waxa ay xustay in tillaabada ay qaadeyso Itoobiya inay furo u tahay xaqiijinta koboc dhaqaale oo waara.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii shaqaalaha IMF-ta ay wadahadalo la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide, Guddoomiyaha Bangiga Itoobiya Mamo Mihretu iyo sidoo kale wakiillo ka socday ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa rajo wayn ka qaba inuu dayn gaareysa 10.5 bilyan oo doollar ka helo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, laakiin waxaa jira caqabado badan oo dhanka wada-xaajoodyadka ah.

Itoobiya ayaa ku guul darraysatay inay iska bixiso daymihii lagu lahaa oo lagu ballansanaa bishii December, kadib lacag la’aan iyo sicir barar ay sababeen dagaalladii iyo abaarihii ka jiray dalkaas sanadihii lasoo dhaafay.

Markii uu xukunka la wareegay 2018, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxa uu ballan qaaday in uu isbedel ku samayn doono dhaqaalaha Itoobiya oo ahaa mid u xirnaa dowladdda balse gaabis ayaa ku yimid inuu ka mira dhaliyo ballanqaadkiisi.

In ka badan 21 milyan oo qof, oo ka dhigan qiyaastii 18% dadweynaha Itoobiya, ayaa ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo ee ka yimaada beesha caalamka, waxeyna dadkaas wajahayan dhibaatooyin isagu jira colaad iyo masiibooyinka cimilada sida fatahaadaha ama abaaraha, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here