Sunday, May 19, 2024

Xagee ku dambeeyay isbaheysigii saddex geesoodka Geeska Afrika?

Muqdisho (Dawan)- Xagee ku dambeeyay isbaheysigii saddex geesoodka Geeska Afriia ee Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ? Qeybta 1-aad W/D: Calinuur Salaad

BADDA GADAASHEED…. OOHINTU ORGIGA KA WEYN

Maxay isku hayaan Soomaaliya iyo Ethiopia oo aan horay laguugu sheegin?

Waa xaqiiqo iska cad oo la wada dareemi karo in Ethiopia ku riyooneyso  inay mar uu marin badeed yeelato, oo ay wax kala soo dagto, wax soo saarkeeda ka ka dhoofiso, kheyraad kala soo baxdo, haddii ay doontana duullaan ka qaado. Balse xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Ethiopia u dhaxeysa intaa waa ay ka qota dheertahay oo waxaa jira arrimo kale oo aan kor loo sheegin oo maamulka Addis ababa dhiigga ku karinaya.

  • Isbaheysiga Saddex geesoodka “Geeska Afrika”:

    Abiy Axmed, isla markii uu xilka la wareegayba waxa uu guluf xooggan u galay dhismaha isbaheysiga Geeska Afrika. Waxa uu gacanta ku qabsaday dowladdii Soomaaliya oo markaas miciin bideysay taageerada Ethiopia. Sidoo kale shuruud la’aan ayuu Eritrea-na albaabada u furay. Sidaasi ayuuna ku dhisay isbaheysi degdeg ah, saddex geesoodka ah oo Geeska Afrika markii ugu horeysay laga yagleelay .
  • Ujeedada ugu weyn ee Abiy waxay ahayd isu muujinta inuu yahay awooda gobolka iyo ka taqallusida jabahdaha gudaha uga kacsanaa. Qeyb ahaan yoolkan waxa u umuuqday mid hirgalay oo Jabahaddii ugu tunka weynayd jabhadaha Ethiopia ee Tigreega waa la wiiqay, Muddo aan yareyna Addis ababa waxay noqotay qiblada maamulladdii Soomaaliya iyo Eritrea.
  • Ujeeddada labaad oo ku saleysnayd istraatiijiyad fog waxaa riixayay dowladda Shiinaha oo isku dayaysay dhismaha urur u dhigma kan bulshada Bariga Afrika oo iminka siyaasad ahaan u janjeera dhanka galbeedka. Balse maxaa dhacay?

Bishii May sannadkii 2022 markii la doortay Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu qaaday tallaabooyin degdeg ahaa oo u muuqday inay horay ugu sii qorsheysnaayeen:

  1. Waxa uu safaro isdaba jog ah ku tagay Asmara oo uu la galay heshiisyo istraatiiji ah, isaga oo muujiyay in Eritrea iyo Soomaaliya aysan u baahneyn dallaanimada Ethiopia oo ay xiriir toos ah yeelan karaan, dhanka kalana waxa uu soo nooleeyay xiriirka Jabuuti oo aan kamid ahayn isbaheysigan. Tallaabadan waxay meel cidla ah soo istaajisay Ethiopia, meeshana ka saartay kaalinteedii ismuujinta, haadaan dheerna kasii riday rajada dhismaha isbaheysiga Geeska.
  2. Soomaaliya waxay cusbooneysay codsigeedii ahaa kamid noqoshada ururka Bulshada Afrika, dadaal diblomaasiyadeed oo taageero ka helayo dowlado waaweyna waa ay ku dartay, taas oo suurtagelisay in muddo sanad gudaheed ku hesho xubinamada ururka. Ka sokow aragtida uu madaxweynuhu aaminsan yahay ee ah in barigu ka fursado badan yahay geeska, dhaqaale ahaan, horumar ahaan iyo siyaasad ahaanba waxay ahayd dharbaaxo kale aan laga soo waaqsan oo ku dhacday riyadii Abiy ee dhismaha Geeska Afrika.

Tirada dadka, ciidanka malaayiinta ah iyo muddada dheer ee Ethiopia xasilneed waa awood aan la dhayalsan karin marka la barbardhigo Soomaaliya, balse kala diristii Isbaheysiga Geeska waa dhibic ay Soomaaliya kala soo hoyatay koox muddo dheer champion ahayd.

Duullaan guuleystay oo uusan dhiig ku daadan ayaa lagu sifayn karaa . Kaliya waa mid kamid ah waxyaabihii dhiigga ku karinayay Abiy. Alleylehe Soomaalidu siyaasad baratay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here