Monday, June 9, 2025

In ka badan 41,000 oo arday oo u fariisatay imtixaanka 8-aadka

Soohoyde

MUQDISHO, Soomaaliya (Dawan) – Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir waxaa maanta ka bilaabmay imtixaanka Shahaadiga dugsiga dhexe ee 2025, iyadoo in ka badan 41,000 oo arday ah ay u fariisteen imtixaankan, taasoo ka dhigtay tirada ardayda ugu badnayd ee abid ka qeyb gasha imtixaankan.

Wejiyada ardayda ayaa muujinaya rajo iyo yididiilo,Waxaa ay ku taamayaan inay maraan waddada ugu dheer ee waxbarashada, iyaga oo u arka imtixaankan sidii albaabka laga galo riyooyinka waaweyn. Sacad Muxuudiin, oo ka mid ah ardayda maanta ka qeyb gashay imtixaanka, ayaa sheegay in “Imtixaankaan aan maanta ufadhiyo waa midkii ii suuraglin lahaa inaan dhigo dharka jaallaha ee dugsiga dhaxe , una gudbo dugsi sare.”

Sacad iyo kumanaan kale oo arday ah ayaa maanta ka qeyb galay imtixaanka, iyaga oo rajaynaya inay gaaraan heerka dugsiga sare. Maalin caadi ah ma aha, waayo waxay tahay maalin ay u fariisanayaan imtixaanka muhiimka ah ee mustaqbalkooda waxbarasho.

Sanadkan, tirada ardayda ee ka qeyb galaya imtixaanka dugsiga dhexe ee gobolka Banaadir waxay gaareen 41,639 arday, taasoo ka dhigaysa tiradii ugu badnayd ee abid u fariisata imtixaanka tan iyo markii la hoos keenay maamulka gobolka. Waxaa la asteeyay 108 xarumood oo kala duwan oo imtixaanka lagu qabanayo, kuwaasoo ku kala yaalla guud ahaan gobolka Banaadir.

Tirada ardayda ee sanadkan ayaa korortay ku dhow 18% marka loo eego sanadkii hore, iyadoo sanadkii hore ay imtixaanka u fariisteen in ka badan 35,000 arday. Tani waxay muujinaysaa isbedel weyn oo ku yimid kororka tirada ardayda iyo dugsiyada dowladda hoos yimaada ee bixiya waxbarasho tayo leh.

Agaasimaha guud ee waxbarashada gobolka Banaadir, Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in sanadkan ay kordheen ardayda iskuulada dowladda hoos yimaada, waxaana uu muujiyay in isbedelka tirada ardayda uu sidoo kale la socdo kororka tirada iskuulada dowladda. “Waxaa sharaf noo ah oo aan ugu faraxsannahay inay tahay tiradii ugu badnayd ee gasha imtixaanka sanadkan, Ilaah mahaddiis ku tahay. Wadanka dhan, haddii la isku daro tirada guud ee gobolka Banaadir, ka gelaysa hoose, dhexe, iyo sare, boqolkiiba waxay noqonayaan 60 ka tirada guud ee imtixaanka galeysa wada ka dhan.” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Ka sokow in tirada ardayda ee xilligaan imtixaanka u fariistay ay korortay, waxaa sidoo kale koror ku yimid tirada iskuulada dowladda hoos yimaada, kuwaas oo arday aad u badan ay si lacag la’aan ah wax uga bartaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa baaq u diray dadka degan xarumaha waxbarashada ee gobolka, isagoo ka codsaday inay u diyaar garoobaan sidii loo baneeyn lahaa goobahaas si ardaydu u helaan fursad waxbarasho oo wanaagsan. “Waxaan baaq u dirayaa dadka degan xarumaha waxbarashada ee gobolka Banaadir, in ay u diyaar garoobaan in si wanaagsan oo sharaf leh ay ku baneeyaan goobahaas, si ubadkeennu ay fursad waxbarasho u helaan” ayuu yiri Muungaab.

Gobolka Banaadir, oo hadda gacanta ku haya 50 dugsi oo dowladda maamusho, ayaa dadaal weyn ugu jirta in ardayda gobolka loo siiyo fursado waxbarasho oo tayo leh, iyadoo ay socdaan qorshayaal horumarineed oo loogu talagalay kobcinta waxbarashada gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here