Saturday, June 7, 2025

In ka badan 1.5 milyan oo xujey ah oo Carrafa taagan

In ka badan 1.5 milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid dunida oo dhan ayaa ku sugan Sacuudiga maalinta ugu barkeysan ee jadwalka Islaamka—Maalinta Carrafa,waa maalin Muslimiin badani ay gutaan wajibaad ilaah saaray oo awoodooda ay noqtay inay ridaan.

Waa Maxay Maalinta Carrafa?
Maalinta Carrafa, oo ku beegan 9-ka Dhu al-Hijjah ee jadwalka Islaamka, waxaa loo arkaa inay tahay maalinta ugu qaalisan sanadka ee Muslimiinta. Xujeydu waxay u safraan Buurta Carrafa, oo sidoo kale loo yaqaan Jabal al-Rahmah (Buunta Naarta), si ay ugu noolaadaan maalintaas oo ah mid cibaado oo ruuxi ah.

Dhaqanka Carafa:
Xujeydu waxay maalinta Carrafau tahay waa waqti ay ku raadiyaan cafis, iyo dembi dhaaf, maadaama la timaamay in maalintan Ilaahay uu ku soo dhowaado kuwa iimaanka leh, isla markaana uu cafiyo dambiyadooda.

Maalintan waxay sidoo kale tahay maalinta ay Muslimiinta caalamka oo dhan badanaa soomaan waana soon ay ku weyneenayaan maalinkaan dadka aysan u suuragelin tagtaanka xajka.. Qorrax dhacdii, xujeydu waxay u socdaalaan Muzdalifah, halkaas oo ay ka urursadaan dhagxaan loogu talagalay maalinta xigta.

Xajka: Tiirarka Islaamka
Xajka, oo ka mid ah Tiirarka Shanta Islaamka, waa waajib diimeed oo saaran Muslimiinta awood u leh inay gutaan ugu yaraan hal mar noloshooda. Xajku, oo dhacaya bisha Dhu al-Hijjah ee jadwalka Islaamka, waa silsilad qoto dheer oo muddo shan ilaa lix maalmood ah ah.

Safarka Carrafa:
Maalinta Carrafa, xujeydu waxay u safraan Mina, halkaas oo ay habeenkii ku qaataan cibaado, ilaa Jabal Arafat. Safarku waa mid adag sandkaan iyadoo heerkulku gaari karo ilaa 40°C (104°F).

Dhaqamada Kale ee Xajka:
Ka dib Carrafa, xujeydu waxay u socdaan Muzdalifah, halkaas oo ay ka urursadaan dhagxaan loogu talagalay dhaqanka Ramy al-Jamarat, oo ah ficil tilmaamaya ka reebista shaydaanka. Maalmaha ku xiga waxaa ka mid ah xoolo qalka, Tawaf al-Ifadah, iyo Tawaf ugu dambeeya ee Kacbada, oo calaamad u ah dhammaadka Xajka.

Tallaabooyinka Amniga iyo Taageerada:

Xajka ka sokow inuu yahay gudasho waajib ruuxeed ah sidoo kale waa safar jireed iyadoo
Sacuudiga oo ah marti geliyaha malaayiinta qof  uu sheegay in uu si weyn u maalgeliyey tallaabooyin amni oo hubinaya in xujeydu ay si ammaan ah u gutaan waajibaadkooda diimeed. Dowladda waxay sheegtay inay qaaday tallaabooyin cusub oo ay ku jiraan geed dhisidda in ka badan 10,000 oo geed si ay u harsadaan xijeysa  iyo kordhinta awoodda isbitaalada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here