Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in colaadaha ka socda bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay sababeen barakaca in ka badan 100,000 oo qof muddo laba bilood gudahood ah, iyadoo barakacaas laga diiwaangeliyey gobollada Hiiraan (Hirshabelle) iyo Gedo (Jubbaland).
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay OCHA maanta, tirada ugu badan ee dadka barakacay ayaa laga diiwaangeliyay gobolka Hiiraan, halkaas oo qiyaastii 62,000 qof ay ka barakaceen tan iyo bishii Juun. Magaalada Moqokori iyo deegaannada ku xeeran ayaa ay ka carareen qiyaastii 36,000 oo qof, iyadoo 14,300 qof ay u barakaceen magaalada Bulo Burte, halka 10,500 kale ay u guureen Jalalaqsi.
“Colaaddu waxay si daran uga dhacday magaalada Maxaas 26 iyo 27-ka Luulyo,” ayaa lagu yiri warbixinta OCHA. “Guddoomiyaha Degmada ayaa sheegay in qiyaastii 22,800 qof ay ka barakaceen Maxaas, iyagoo u guuray Beledweyne, Bulo Burte iyo deegaanada kale.”
Dhinaca gobolka Gedo, dagaalladii ka dhacay degmada Beled Xaawo intii u dhaxaysay 22 ilaa 26 Luulyo ayaa saameyn ku yeeshay in ka badan 38,000 oo qof. Qiyaastii 28,000 qof ayaa u barakacay deegaanada u dhow, halka 10,200 ay u gudbeen magaalada Mandheera ee dalka Kenya, sida laga soo xigtay la-hawlgalayaasha kooxda Ilaalinta (Protection Cluster).
Warbixinta OCHA ayaa sidoo kale muujisay in toddobo xarumood oo caafimaad oo ku yaalla gobolka Hiiraan ay hakad geliyeen adeegyadooda, taasoo keentay in dad badan ay waayaan adeegyada caafimaad ee lagama maarmaanka ah. Waxaa sidoo kale burburay ama xirmay ilaha biyaha iyo waddooyinka muhiimka ah.
OCHA ayaa intaa ku dartay in xogta FAO ay muujisay xaalad bani’aadamnimo oo aad u liidata oo ka jirta degmada Beled Xaawo oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 178,600 qof. Ku dhawaad 1,710 qof ayaa lagu sheegay inay ku sugan yihiin xaalad degdeg ah, 22,560 xaalad musiibo ah, iyo 48,770 xaalad culus. Sidoo kale, duulimaadyadii ganacsiga ee u dhexeeyay Doolow iyo qeybo kale ayaa hakad ku jira tan iyo 15-kii Luulyo, taasoo saameyn ku yeelatay sahayda iyo socodka shaqaalaha.
Warbixintu waxay sheegtay in dadka barakacay ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar aasaasi ah oo ay ka mid yihiin hoy, cunto, biyo, adeegyo caafimaad iyo ilaalin. Qiimeyn wadareed oo ay sameeyeen hay’adaha gargaarka intii u dhaxaysay 17–19 Luulyo ayaa ku taliyay bixinta cunto, kaalmo lacageed, adeegyo caafimaad oo guur-guura iyo biyo gaarsiin. Waxaa la diiwaangeliyay 20 goobood oo barakacayaal ah oo ku yaalla Beled Xaawo iyo Doolow, iyadoo UNHCR iyo Protection Cluster ay wadaan kormeer iyo qiimeyn dheeraad ah.
“Xaaladda bani’aadamnimo ee Hiiraan iyo Gedo ayaa ah mid aad u xun,” ayaa lagu yiri warbixinta OCHA. “Waxaan ugu baaqaynaa la-hawlgalayaasha inay cusboonaysiiyaan qorshayaasha gurmadka degdegga ah isla markaana baahiyaaan adeegyadooda.”
Warbixintan OCHA ayaa soo baxday iyadoo gobolka Hiiraan uu ka socdo dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka oo ay wehliyaan maleeshiyada deegaanka ee Macawiisleyda. Dagaalladaas ayaa sababay in Al-Shabaab ay la wareegaan saldhigyo ay hore u haysteen ciidamada dowladda, taasoo keentay barakaca baahsan ee dadka deegaanka.
Dhanka kale, gobolka Gedo ayaa isna wajahaya dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa gobolka, taasoo sababtay in dad rayid ah ay ka barakacaan degmooyinka ay colaadaha saameeyeen, gaar ahaan Beled Xaawo. OCHA ayaa sheegtay in warbixin dheeraad ah la soo saari doono marka xog cusub la helo.