Wednesday, December 4, 2024

In ka badan 6 Milyan oo Soomaali ah oo u baahan gargaar degdeg ah

Muqdisho (Dawan)- Xaaladda bani’aadamnimada ee Soomaaliya ayaa bishii October noqotay mid aad u adag, iyadoo in ka badan lix milyan oo qof ay u baahnaayeen gargaar bani’aadamnimo, sida ay sheegtay UNHCR. Colaadaha hubeysan, amni-darrada, isbeddelka cimilada, cudurrada kala duwan, iyo hoos dhaca dhaqaalaha ayaa ah sababaha ugu waaweyn ee ka dambeeya xaaladda sii xumaanaysa.

Barakaca gudaha dalka

Shabakadda Kormeerka Ilaalinta iyo Xalka (PSMN) ayaa diiwaangelisay ku dhawaad 66,000 oo qof oo gudaha dalka ku barakacay bishii October. 50,000 oo ka mid ah dadkaas waxay sababay barakacooda colaadda iyo amni-darrada, halka 3,000 ay ka barakaceen abaaraha iyo fatahaadaha. Gobollada Jubaland ayaa gaar ahaan la kulmay xaalado amni-darro , iyadoo in ka badan 5,000 oo qoys ay dagaallada qabiil ku khasbeen inay guryahoodii ka cararaan

Jahwareerka siyaasadda iyo saameynta xiisadaha gobolka

Arrimaha siyaasadda gobolka iyo amniga Soomaaliya ayaa weli jahwareer ku jira. Xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sii xumaaday kadib fashilkii wada-hadalladii dhexdhexaadinta ahaa ee Turkiga ku doonayay in heshiis looga gaaro khilaafkii ka dhashay heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland si ay u gaarto badda. Dagaallada u dhexeeya Ciidamada Soomaaliya iyo Al-Shabaab, iyo sidoo kale colaadaha qabiil, ayaa ah caqabadaha ugu waaweyn ee saameynaya nabadgelyada dalka.

Dadaallada Hay’adaha caalamiga ah

Hay’adaha caalmaiga waxay dadaal ugu jiraan sidii taageero bani’aadamnimo loo gaarsiin lahaa dadka ay dhibaatadu soo gaartay iyo kuwa barakacay, iyada oo la kaashanayo maamullada maxalliga ah iyo hay’adaha ka shqeeya arrimaha gargaarka.

Bishii October, UNHCR waxay gobolka Gedo ku bixisay lacag dhan $132,000 oo lagu taageeray 1,200 oo qoys kuwaas oo ku barakacay dagaal beeleed, halka magaalada Dhobley 250 qoys oo ka barakacay dagaallo hubeysan loo qaybiyay $90 qoyskiiba.

Sidoo kale, 503 qof oo Soomaali ah oo ka yimid Yemen iyo Liibiya ayaa laga kala dejiyay Somaliland, Puntland, iyo Koonfurta Soomaaliya, iyadoo loo diyaariyay kaalmo lacageed iyo adeegyo gaadiid.

UNHCR waxay ballan qaaday inay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo hay’adaha gargaarka, si xal waara loogu helo dadka barakacay iyo qaxootiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here