Afgooye (Dawan ) – In ka badan 8,000 qof ayaa ka barakacay dhowr tuulo oo ku yaal degmada Afgooye ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaddib iska horimaadyo xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalladan, oo billowday bartamihii bisha Juun 2025, ayaa sababay baahi bani’aadamnimo oo degdeg ah, sida uu 30 June 2025 sheegay Xafiiska Isuduwaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay (OCHA)
Qoysaska barakacay ayaa ka soo jeeda deeganno ay ka mid yihiin Sabiid, Caanoole, iyo Mareerey, kuwaas oo u guuray deegaanada deriska ah sida Moori, Idimow, iyo Afgooye. Sida OCHA ay sheegtay dadkan ayaa ku nool xaalado adag oo ah hoy ku-meel-gaar ah, kuwaas oo aan si fiican uga difaaceynin roobka iyo dabeylaha, taasoo ka dhigtay helitaanka biyo nadiif ah, cunto, iyo adeegyada nadaafadda mid aad u adag. Tani waxay sii kordhisay halista cudurrada faafa.
Waxay intaas ku daratay OCHA in hay’adaha gargaarka ay wajahayaan dhibaatooyin ku saabsan sidii ay u dabooli lahaayeen baahiyaha degdegga ah ee barakacayaasha, iyadoo deegaanadii ay u guureen ay horay ugu jireen dad horey u barakacay.
Hay’addu waxa ya sheegtay in inkasta oo ay jiraan dadaallo ay wadaan hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah, caqabado ay ka mid yihiin amni darrada iyo kheyraadka oo xaddidan ay si weyn u hakiyeen bixinta gargaar wax ku ool ah.
Xaaladda ayaa sii cakirmeysa iyadoo laga cabsi qabo in roobabka xilliga gu’ga ay ka da’aan guud ahaan gobolka, taasoo laga cabsi qabo inay ka sii daraan duruufaha nololeed ee dadka barakacay. Mas’uuliyiinta deegaanka iyo hay’adaha gargaarka ayaa baaqyo u diraya beesha caalamka si loo kordhiyo taageerada bani’aadamnimo ee degdegga ah.
Xaaladda ka taagan Afgooye waxay si weyn u muujinaysaa nuglaanta dadka barakacayaasha ah ee ku nool Soomaaliya, iyadoo dagaallo joogto ah iyo amni darro ay caqabad ku noqdeen dadaallada lagu bixinayo gargaar waqtigii loogu talagalay iyo mid tayo leh.