Addis Ababa (Dawan) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Biyo-xireenka Abay ee loogu magac darayiyo-xireenka Weyn ee Dib-u-soo-kicinta Itoobiya(GERD).
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madaxda sare ee dalalka deriska ah iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Kenya, William Ruto; Madaxweynaha Jabuuti, Ismael Cumar Geelle; Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamed iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit.
Sidoo kale, waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya, Tagesse Chafo; Guddoomiyaha Golaha Federaalka, Agenahu Tesheger; Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Temesgen Tiruneh iyo madax kale oo ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaarihii hore Hailemariam Desalegn, Ku-xigeenkii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Demeke Mekonnen, madaxda gobollada, iyo wasiirrada.
Munaasabadda ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Itoobiya, Field Marshal Birhanu Jula, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa goboleed.
Biyo-xireenka Abay ayaa loo arkaa mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee Itoobiya ku horumarinayso tamarta iyo horumarka dalka, isla markaana muhiimad gaar ah u leh isu-socodka biyaha Niil ee gobolka.