Saturday, July 27, 2024

Daawo: UK oo wajaheysa daadad xoog badan

London (Dawan)- Gooba badan oo ka mid ah Bartamaha iyo Koonfurta UK ayaa wajahaya daadad xoog badan kadib markii roobab mahiigaan ah ka da’een dalkaas.

Magaalada caasimadda ah ee London, doon xafladeed ayaa ku degtay wabiga Thames, milkiilayaasheeduna waxay ay sheegeen in xaaladaha jawigu sababeen arrintaas.

Dowladda ayaa ka digtay cabsida laga qabo roobab mahiigaan ah oo ka da’a Koonfurta dalka, waxaana dadweynaha la ogeysiiyay in ay suurta gal tahay in la joojiyo tareenada isaga goosha Magaalooyiinka ama ay ku timaado dib u dhac.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here