Friday, November 8, 2024

Itoobiya..Mushaarka oo ku filnaa waayay shaqaalaha kadib dib u habeyntii dhaqaalaha

Addis Ababa (Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa golaha wasiirrada u gudbisay soo jeedin ay ku codsanayso in si rasmi ah loo ansixiyo mushahar kordhin loo samaynayo ku dhawaad ​​2.4 milyan oo shaqaale dowladeed ah.

Arrintaan ayaa timid kadib markii siyaasadda cusub ee dib u habeynta dhaqaaalaha dalkaas aya sababtay inuu mushaarku ku filnaa waayay shaqaalaha dowladda

Warqad ku taariikheysneyd 03 September, 2024, kuna socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayuu Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ku sheegay in soo jeedinta mushaar kordhinta cuusb ay u baahnaa doonto miisaaniyad dheeri ah oo dhan 91.4 bilyan oo birr.

Haddii la ogolaado soo jeedinta wasiirka, waxay dhaqan geli doontaa 11ka Sebtembar, 2024.

Soo jeedintan ayaa daba socota hadal uu dhawaan soo saaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ku saabsanaa in mushaar kordhin loo sameeynayo shaqaalaha dowladda.

Maxaa keenay in mushaarka loo kordhiyo shaqaalaha?

Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa soo bandhigtay cilmibaaris dhammaystiran oo bixinaysa caddaymo faahfaahsan oo ku saabsan kordhinta mushaharka ay soo jeedisay iyo sababta ku kalliftay, waxayna marsiisay guddiga dhaqaalaha oo dib u eegis ku sameeyay ka hor inta aan loo gudbin Golaha Wasiirada.

Wasiirka Maaliyada Itoobiya

Ku dhawaad 2.4 milyan oo shaqaale dowladeed ah ayaa ka faa’iidaysan doona soo jeedinta wax-ka-beddelka mushaharka kuwaas oo isagu jira shaqaale federaal ah, iyo sidoo kale xubno ka tirsan ciidamada Boliiska ismaamullada, ciidanka difaaca qaranka Itoobiya iyo Boliiska federaalka.

Sahan ay samaysay hay’adda Tirakoobka Itoobiya bishii June 2022, ayaa lagu ogaaday in 1.1 milyan oo shaqaale dowladeed ah inay qaaataan wax ka yar 6,000 oo birr bishii, taas oo ka dhigan inay ku nool yihiin meel ka hooseysa xariiqda saboolnimada ba’an.

Waxaa jira shaqaale kale ooo gaaraya 946,306 kuwaas oo mushaar ahaan u hela inta u dhaxaysa 6,000 iyo 10,000 birr bishii waxaana loo arkaa inay ku nool yihiin heerka saboolnimada.

Intaa waxaa dheer, ku dhawaad ​​253,297 oo ka mid ah shaqaalaha dowladda ayaa bishii qaata in ka badan 10,000 oo birr.

Arrintaan waxay muujisay in kala bar shaqaalaha dowladda ay ku noolyihiin saboolnimo aad u daran taas oo saamayn ku leh noloshooda, iyada oo ay kor u kacday maciishadda dalka Itoobiya.

Si wax looga qabto dhibaatooyinka dhaqaale ee soo wajaha shaqaalahan rayidka ah, waxay Wasaaraddu soo jeedinaysaa in mushaar kordhin loo sameeyo shaqaalaha danyarta ah, iyada oo soo jeedisay in la kordhiyo mushaharka ilaa 332%. Tillaabaadan ayaa ka dhigeysa mushaarka ugu yar ee la qaaato oo dhan 1,100 birr in la gaarsiiyo ilaa 3,600 birr.

Dhinaca kale, dadka qaata mushaharka ugu badan bishii oo dhan 20,468 birr waxay heli doonaan 5% kor u kac ah, oo u dhiganta 1,023 birr.

Saameynta siyaasadda dib u habeynta dhaqaalaha

Addis Ababa ayaa laga dareemay kor u kac weyn oo ku yimid qiimaha badeecadaha kala duwan ee ka dib markii ay dowladdu ku dhawaaqday nidaamka cusub ee dib u habeynta dhaqaalaha.

Laga soo bilaabo 28kii July, 2024, Itoobiya waxay fasaxday sarifka lacagaha qalaad. Dib-u-habayntan waxa ay keentay qiimo dhac weyn oo ku yimid lacagta dalka ee loo yaqaan Birr.

Tusaale ahaan, bangiyada ganacsigu waxay ku kala iibsanayeen halki dollaar qiyaas ahaan 56.55 Birr laakin 5-tii September, 2024, heerka sarrifka ee bangiga ganacsiga ee Itoobiya wuxuu sameeyay kor u kac wayn iyada oo halki dollar uu noqday 106 Birr.

Hoos u dhaca ku yimid lacagta dalka ayaa keentay in la dareemo sare u kac ku yimid qiimaha maciishadda oo dhan, gaar ahaan magaalada Addis Ababa. Tani waxay culays dhaqaale oo dheeraad ah saartay dadka dakhligoodu go’an yahay, sida shaqaalaha dowladda.

Mid ka mid ah suuqyada qudaarta ee Addis Ababa

Qiimaha badeecadaha qaarkood, gaar ahaan kuwa dibadda laga keeno iyo wax soo saarka gudaha ee muhiimka ah sida saliidda, sonkorta, iyo basasha, ayaa si weyn kor ugu kacay suuqyada kala duwan ee Addis Ababa.

Tusaale ahaan qiimaha shanta litir ee saliidda wax lagu karsado waxa uu ahaan jiray 900 Birr laakin hadda waxa uu gaaray 1,200 Birr tan iyo markii la hirgeliyay dib u habeynta dhaqaalaha guud.

Walaaca hay’adaha caalamiga ah

Iyada oo ay dhibaatadaas haysato dadka uu hoseeyo dakhligooda, ayay hadana Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) waxa ay dhawaan walaac ka muujisay caqabadaha isa soo taraya ee ay la kulmaan marka la doonayo in gargaar cunto la gaarsiiyo xilligii loogu tala galay dadka ugu nugul Itoobiya.

WFP waxay caqabadahan u aanaynaysaa sicir-bararka sii kordhaya, iyo arrimo kale.

In ka badan 21 milyan oo qof, oo ka dhigan qiyaastii 18% dadweynaha Itoobiya, ayaa ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo ee ka yimaada beesha caalamka, waxeyna dadkaas wajahayan dhibaatooyin isagu jira colaad iyo masiibooyinka cimilada sida fatahaadaha ama abaaraha, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay, hoos u dhaca ku yimid lacagta birta, ee ka dhashay siyaasadihii dhaqaale ee ugu dambeeyay, ayaa la filayaa inay si toos ah saameyn ugu yeelato qoysaska saboolka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here