Sunday, September 8, 2024

Itoobiya: xiisadda magaalada Gambela oo kacsan kadib markii la dhaawacay askari

Addis Ababa (Dawan)- Xaaladda magaalada Gambela ee dalka Itoobiya ayaa kacsan maanta kadib markii shalay xabbado lagu furay askari ka tirsan ciidamada ilaalada waddooyinka.

Sida uu sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka , askariga ayaa xabbado lagu furay shalay abbaara 10:20 subaxnimo, isaga oo ku sugan afaafka hore ee hotel Grand oo ku yaal maagalada Gambella.

Askariga oo lagu magacaabo Chuol Gatkuoth waxaa soo gaaray dhaawac culus oo dhanka qoorta ah, waxaana laga deyrinaya xaaladdiisa caafimaad, iyada oo ay jiraan warar kale oo sheegaya inuu dhintay balse la qarinayo si loo dejiyo xaaladda deegaanka.

Gobolka Gambella ayaa tan iyo bishii May ee sannadkii hore waxaa ku soo badanayay colaadaha beelaha wada dega, ka dib markii ay ka dhaceen rabshado ay ku dhinteen dad rayid kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda Xuquuquda Aadanha ee Itoobiya (EHRC) ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 138 qof lagu dilay 113 kalena lagu dhaawacay tan iyo May 2023 colaadda ka jirta gobolka Gambella ee Itoobiya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here