Jabuuti – Shirkadda Dayactirka Maraakiibta ee Jabuuti (Djibouti Ship Repair Yard – DSRY) ayaa shalay si rasmi ah u bilaawday howlaha dayactirka maraakiibta, kaddib markii ay soo dhaweysay markabkii ugu horreeyay oo si buuxda loogu qabanayo adeeg dayactir ah gudaha dalka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid astaan u ah horumarka sii kordhaya ee Jabuuti ay ka samaynayso warshadaha badda iyo adeegyada la xiriira gaadiidka iyo ganacsiga xeebaha.
Wakaaladda wararka Jabuuti ayaa sheegtay in markabkan uu yimid dekedda Jabuuti, halkaas oo ay shirkaddu diyaarisay koox ka kooban 40 farsamayaqaan iyo injineero, kuwaasoo bilaabay hawlgal dayactir ah oo la qorsheeyay in lagu dhameeyo muddo lix maalmood ah.
Shirkadda DSRY ayaa la aas aasay sanadkii 2020, waxaana muddada shanta sano ah ee la soo dhaafay lagu guuleystay in la helo qalab casri ah oo u suurtagelinaya shirkadda inay si xirfadeysan u qabato dayactirka maraakiibta waaweyn.
Maamulka Dekedaha Jabuuti ayaa soo dhaweeyay bilowga howlaha rasmiga ah ee shirkadda, iyagoo ku tilmaamay horumar weyn oo muujinaya kartida Jabuuti ee u diyaar garowga inay noqoto xarun badeed muhiim ah oo adeegyo casri ah laga helo.
“Markabkan ugu horreeya ee lagu dayactiray warshadda DSRY wuxuu astaan u yahay awood cusub, silsilad xirfadeed oo cusub, iyo mustaqbal warshadeed oo rajo leh,” ayuu yiri maamulaha warshadda, isagoo carrabka ku adkeeyay in hawlaha noocan ah ay u baahan yihiin saxnaan, xirfad sare, iyo adeegsiga qalab khaas ah.
Jabuuti oo leh meel istiraatiiji ah oo ku taal marinka muhiimka ah ee Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, ayaa hadda qorsheyneysa in ay si buuxda uga faa’iideysato awoodda dayactirka maraakiibta, taasoo ka dhigaysa xarun istiraatiiji ah oo loogu talagalay adeegyada badda ee Bariga Afrika iyo guud ahaan gobolka.