Wednesday, June 18, 2025

Jabuuti ayaa sameysay tirakoobkii ugu horeeyey ee dijitaal ah

Jabuuti (Dawan) – Jabuuti ayaa 17-kii Juun 2025 shaacisay inay ku natiijooyinka rasmiga ah ee Tirakoobka Saddexaad ee Guud ee Dadka iyo Guryaha (RGPH-3), oo hab digitaal ah, taas oo muujineysa tallaabo weyn oo horumarineed ee ku saabsan casriyeynta maamulka dalka.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Jabuuti, tirakoobkan ayaa xaqiijiyey in tirada dadka Jabuuti ee 2024 ay tahay 1,066,809 qof, iyadoo la adeegsanayo hab digitaal ah, taas oo waafaqsan xogtii horay ay usoo saaray Jabuuti ee xog-ururinta ku salaysnaa warqadaha.

Tirakoobka 2024 waxaa lagu sameeyey iyadoo la adeegsanayo tignoolajiyad casri ah, taas oo keentay isbedel weyn marka loo eego habka hore ee xog-ururinta ee ku salaysnaa warqadaha. Tirakoobkan waxaa la isticmaalay tablet-yo dijitaal ah, qalab geo-referencing ah, iyo nidaamyo xaqiijiya saxnaanta xogta waqtiga dhabta ah, taas oo si weyn u kordhisay saxnaanta xogta iyo yareysay waqtiga loogu talagalay xaqiijinta iyo farsamaynta xogta.

Hirgelinta guuleysatay ee tirakoobkan ayaa qayb ka ah istaraatijiyadda dijitaalka ah ee Jabuuti, oo bilaabatay sanadkii 2017, taasoo ah tiir muhiim ah oo ku saabsan isbedelka maamulka ee dalka. Guushan ayaa Jabuuti ka dhigaysa hogaamiye gobolka Geeska Afrika ee ku saabsan maamulka dijitaalka ah, iyadoo dhowr dal oo ka tirsan gobolka ay hadda qaateen adeegyo dijitaal ah ee tirakoobka si loo hagaajiyo ururinta xogta tirakoobka.

Natiijooyinka tirakoobka ee 2024 waxay noqon doonaan saldhig muhiim ah oo lagu qaabeyn doono siyaasadda dalka, gaar ahaan qeybinta kheyraadka, qorsheynta magaalooyinka, iyo bixinta adeegyada bulshada. Xogtan ayaa sidoo kale taageeri doonta horumarinta yoolalka horumarineed ee waara (SDGs), iyadoo siineysa dowladda xog dhameystiran oo ku saabsan isbeddellada dadka, guryaha, iyo baahiyaha caafimaadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here