Jabuuti – Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Yuunis Cali Geedi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Macdanta ee Itoobiya, Habtamu Tegegn, oo socdaal rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga tamarta ee u dhexeeya labada dal iyo mashaariic istiraatiiji ah oo saameyn ballaaran ku yeelan doona Geeska Afrika.
Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI), labada wasiir waxay isla meel dhigeen hirgelinta dhowr mashruuc oo muhiim u ah mustaqbalka tamarta gobolka. Waxaa ugu horreeyay mashruuca dhuun-gaasta xuduud-dhaafka ah ee isku xiri doona ceelasha gaaska dabiiciga ah ee Calub iyo Hilala ee Itoobiya iyo terminal-ka gaaska ee ku yaal Dekedda Damerjog ee Jabuuti, si gaaska loogu dhoofiyo suuqyada Aasiya.
Waxaa kale oo ay kawada hadleen mashruuca dhuumaha shidaalka ee South Sudan–Jabuuti, kaas oo mari doona Itoobiya, ujeedkiisuna yahay inuu noqdo marin sugan oo saliida Koonfurta Suudaan looga dhoofiyo meel ka baxsan khataraha xasillooni-darrooyinka gobolka.
Mashruuca saddexaad ayaa qorsheynaya in la isugu xiro khadka tareenka Jabuuti–Itoobiya iyo xarunta sifeynta shidaalka ee Doraleh, si loo dardargeliyo gaadiidka shidaalka gudaha Itoobiya.
Wasiir Geedi ayaa carabka ku adkeeyay in iskaashigaasi uu ka tarjumayo baahi dhab ah oo lagu horumarinayo nolosha dadka gobolka: “Is-dhaafsigayaga dhaqaale waa fursad. Annaga ayayna naga tahay inaan u beddelno mashaariic muuqda oo bulshada faa’iido u leh,” ayuu yiri.
Dhankiisa, Wasiirka Itoobiya Habtamu Tegegn ayaa ammaanay dadaalka Jabuuti ee horumarinta kaabeyaasha tamarta iyo saadka, isagoo xusay in la xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah. Waxa uu casuumaad rasmi ah u fidiyay dhiggiisa si uu u booqdo ceelasha gaaska ee Calub iyo Hilala ee ku yaalla gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
Intii uu ku sugnaa Jabuuti, Wasiir Tegegn waxa uu sidoo kale la kulmay madaxda sare ee dalka, waxaana uu booqday Dekedda Doraleh, Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Caalamiga ah, Warshadda Tamarta ee Damerjog iyo marsada cusub ee shidaalka.
Wada-hadallada Mashaariicdaan ayaa imaanya iyadoo labada dal ay leeyihiin iskaashiyo dhaqaala iyo siyaasadeed.