Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Guinea-Bissau oo ku heshiiyay inay ballaariyaan xiriirkooda iskaashi

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gelinkii dambe ee Arbacada kusoo dhaweeyay madaxtooyada dalkaas dhiggiisa dalka Guinea Bissau, Umaro Sissoco Embaló, oo booqasho qaadaneysa 48 saacadood ku jooga dalka Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa yeeshay kulan gaar ah oo albaabadu u xiranyihiin kadibna waxa ay kulan guud la qaateen mas’uuliyiin kala duwan oo labada dal ah.

Wada xaajoodyada labada dhinac kadib ayaa la isla meel dhigay heshiiska qaab-dhismeed iskaashi oo ku sallaysan qiyamka guud, faa’iidooyinka laba geesoodka ah iyo dheelitirka danaha labada dal.

Madaxweyne Geelle oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa booqashadii uu dhiggiisa Guinea-Bissau ku tagay dalka Jabuuti ku tilmaamay mid muujinaysa rabitaankooda lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya labada waddan.

“Kala daadsanaanta dhaqaalaha Afrika ee hadda jira ma ahan mid la aqbali karo gaar ahaan marka la eego baahiyaha muhiimka ah ee dadkeenna oo aan la dabooli karin haddii aysan Dowladuhu yeelanin iskaashi dhow” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

Geelle ayaa rajo ka muujiyay iskaashiga laba Dowladood gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, Gaadiidka, Waxbarashada, Kalluumeysiga, Beeraha, Caafimaadka iyo Tamarta.


Madaxweyne Umaro Sissoco Embaló, ayaa dhankiisa soo bandhigay isku ekaanshaha badan oo ay wadaagaan Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Guinea-Bissau marka la eego dhaqanka, qaab nololeedka iyo koboca dhaqaalaha.

“Booqashadayda dalka Jabuuti ee qaadaneysa 48 saacadood, waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle soo dhaweynta diirran ee uu ii fidiyey, waxaana rajaynayaa in aan isweydaarsanno tallaabooyinka lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee ka dhexeeya labada dal” ayuu yiri, Madaxweynaha Guinea-Bissau

Madaxweynaha Guinea-Bissau ayaa sheegay inuu xukuumaddiisa siiyay amar ah in ay si deg-deg ah ugu dhaqaaqdo hirgelinta tallaabooyinka lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, iyada oo la bartilmaameedsanayo ka mira dhalinta arrimaha lagu heshiiyay ee leh mudanaanta gaar ah.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here