Wednesday, December 4, 2024

Jabuuti iyo Sacuudiga oo xoojinaya iskaashiga dhaqaalaha iyo tamarta

Riyaad (Dawan)- Magaalada Riyaaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaa lagu qabtay kulanki lixaad ee guddiga isku-dhafka ah ee Jabuuti iyo Sacuudiga, iyada oo ay si wada jir ah u shir guddoomiyeen wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuuusf iyo Wasiirka Gaadiiidka ee Sacuudiga, Saalax bin Naasir.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale ee istiraatiijiga u ah labada dal, iyada oo laga amba qaadayo xiriirka adag ee soo jireenka ah ee quseeya dhinacyo badan oo muhiim ah. Ajendayaasha ugu waaweyn ee laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa:

In Sacuudigu goob logistik ah ka samaysto aagga xorta ah ee hoos taga dekedaha Jabuuti.

Bilaabidda duulimaadyada shirkadda Flynas ee isku xiraya magaalooyiinka Jeddah iyo Jabuuti sanadka 2025.

Hirgelinta duulimaadyada shirkadda Air Djibouti ee Jeddah.

Sahaminta qorshaha shirkadda Aramco ay ku dooneyso inay kayd shidaal ka hirgeliso Damegog.

Ka faa’iidaysiga Dekedda Ghoubet si loo dhoofiyo kheyraadka dabiiciga ah ee Jabuuti, sida cusbada.

Kulanka ayaa lagu muujiyey sida ay labada waddan uga go’an tahay horumarinta iskaashiga dhaqaalaha , tamarta iyo gaadiidka, taas oo sii xoojinaysa xiriirka istiraatiijiga ah iyo heshiisyadii horay loo wada galay

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here