Wednesday, June 25, 2025

Jabuuti oo Daahfurtay Dhismayaal Lagu Horumarinayo Waaxyaha Tamarta

Soohoyde

Jabuuti — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si rasmi ah u daahfuray dhismayaal ballaaran oo loogu talagalay horumarinta waaxyaha tamarta ee dalka Jabuuti. Dhismayaashan cusub ayaa loogu talagalay inay ku hawlgalaan Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Jabuuti, iyo sidoo kale Shirka Caalamiga ah ee qaabilsan soo dhoofinta shidaalka jabuuti.

Dhismayaashan oo ka kooban 13 dabaq, ayaa ah xarumo casri ah oo loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan xirfadlayaal ku takhasusay dhinacyada tamarta iyo kheyraadka, kuwaas oo muhiim u ah dadaallada jabuuti  ee lagu horumarinayo awoodda tamarta.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa munaasabadda ka hadlay isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda tamartu u leedahay horumarka dalka. Waxa uuna yiri

Tamarta waa nolosha oo dhan lagama maarmaan ayay u tahay Jabuuti. Waxaan ku soconnaa jidka Alle nagu hanuuniyay iyo mid aan annaga dhisnay. Halkan waxaan ku soo aruursanay dadaal joogto ah oo u baahan xoolo badan, dadaal badan, iyo barasho ballaaran si loo gaaro horumar waara oo dhinaca tamarta ah.”

Sidoo kale, Agaasimaha shirkadda ugu weyn ee shidaalka Jabuuti soo gelisa ayaa warbaahinta dalkaas u sheegay in dhismayaashan cusub ay muhiim u yihiin horumarinta tamarta, iyagoo helaya qalabkii casriga ahaa ee looga baahan yahay si loo xoojiyo howlaha waaxda tamarta.

Mashruucan ayaa ahaa mid madaxweyne Geelle uu horay u dhagax-dhigay,  iyada ooo maanta si rasmi ah loo daahfuray .

Wasaaradda Tamarta Jabuuti ayaa horay u hirgelisay mashaariic tamar oo kala duwan oo ay ka mid yihiin:Tamarta hawada laga dhaliyo ,Tamarta qoraxda laga dhaliyo (solar energy)Tamarta uumiga dhulka  iyo mashruuca Korontada lagu gaarsiiyo reer miyiga

Dadaalladan ayaa looga gol leeyahay in la helo maalgashi ballaaran oo dhinaca tamarta ah, si loo daboolo baahida korodhay ee dalka iyo guud ahaan gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here