Thursday, April 17, 2025

Jabuuti oo dhinacyada Suuriya ugu baaqday midnimo

Jabuuti (Dawan)- Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku dhawaaqday taageeradeedda buuxda ee ay u hayso shacabka Suuriya, iyadoo ku tilmaantay xaaladda hadda taagan mid taariikhi ah oo muhiim u ah mustaqbalka dalkaas.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya, iyada oo ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan hay’adaha qaran si looga fogaado in xaaladda dalkaas ay ka sii darto.

“Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada Suuriya inay mudnaanta siiyaan danaha qaranka, ayna galaan wada-hadal miro-dhal ah si loo soo celiyo nabadda iyo xasiloonida” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti.

Bayaan ayaa sidoo kale lagu xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu dhisayo mustaqbal xasilloon oo barwaaqo leh, taasoo ah tallaabo Suuriya u suurtagelin karta inay dib u hanato doorkeeda ku aaddan arrimaha gobolka iyo caalamka.

Dowladda Jabuuti waxay ku celisay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda iyadoo muujisay taageerada ay u hayso shacabka Suuriya oo xilligaan ku jira marxalad kala guur ah.

Arrintaan ayaa imaaneysa wax yar kadib markii kooxaha mucaaradka Suuriya ay xilka ka tuureen Bashar Al-Asad, lana wareegeen gacan ku haynta guud ahaan  dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here