Saturday, July 27, 2024

Jabuuti oo hirgelisay cisbitaal looga maarmayo safaradii caafimaadka ee dibadda

Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Arbacadii xariga ka jaray cisbitaalka guud ee ciidanka Boliiska oo laga hirgeliyay xarunta taliska guud ee ciidanka Boliiska dalka Jabuuti.

Cisbitaalkaan cusub ayaa bixin doona daryeelka caafimaad ee kala duwan, oo ay ku jiraan dawooyinka guud, qalliimada, daweynta cudurada wadnaha, carruurta, neerfaha, iyo daryeelka cudurada kale ee aadanaha ku dhaca.


Adeegga gurmadka deg-degga ah ayaa hawlgeli doona dhammaan maalmaha toddobaadka, 24-ka saacadood.

Sida ay sheegaan mas’uuliyiinta Dowladda Jabuuti, cisbitaalkaan ayaa looga maarmi doona safaradii caafimaadka ee dibadda loo doonan jiray, iyada oo ay ka howl geli doonaan dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal xanbaarsan xirfad sare oo dhanka caafimaadka ah.

Cisbitaalka waxaa yaal 95 sariir, waxa uuna ku yaal goob ku habboon xasiloonida bukaanka, waxaana ku dhax yaal beero iyo darjiimooyin ka qeyb qaadanaya bilicda deegaanka.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo gabagabadii munaasibadda furitaanka cusbitaalka guud ee Boliiska ka jeediyey khudbad ayaa bogaadiyay dhameystirka Xaruntan caafimaad ee heerkeedu sarreeyo, waxa uuna ballan qaaday in xukuumaddu joogteyn doonto horumarinta xarumaha caafimaad ee dalka.

Dowladda Jabuuti waxa ay qorsheyneysaa in ay ka mira dhaliso “Hiigsiga 2035” oo ah istiraatijiyad ay ku dooneyso in ay ku gaarto horumar isku dhafan iyada oo laga faa’iideysanayo khayraadka dabiiciga ah, si wax looga qabto dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, kallumeysiga, Tamarta, deegaanka iyo arrimaha ciyaaraha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here