Jabuuti-Waaxda Dayactirka Maraakiibta ee Jabuuti ayaa guul weyn ka gaartay mashruuca dayactirka markabkii ugu horreeyay ee laga qabto Jabuuti, ka dib markii Khamiistii la soo gabgabeysay dayactirkiisa.
Markabka la dayactiray oo magaciisu yahay MF Abuu Yaasir ayaa dib ugu laabtay howlaha shaqadiisa kadib markii si buuxda loo hagaajiyay, isagoo ka baxay dekadda Jabuuti isagoo sida in ka badan 16,600 oo neef oo xoolo ah.
Shirkadda Dayactirka Maraakiibta ee Jabuuti (Djibouti Ship Repair Yard – DSRY) ayaa 18kii Abriil 2025 si rasmi ah u bilaawday howlaha dayactirka markabkan.
Shirkadda Dayactirka ee Jabuuti ayaa la aas-aasay sanadkii 2020, waxaana muddada shanta sano ee la soo dhaafay lagu guuleystay in la helo qalab casri ah oo u suurtogelinaya shirkadda inay si xirfadeysan u qabato dayactirka maraakiibta waaweyn.
Tallaabadani ayeeyJabuuti sheegtay in ay qeyb ka tahay hiigsiga Aragtida Jabuuti 2035, ee lagu doonayo horumarinta adeegyada badda iyo kobcinta dhaqaalaha. Guushan cusub ayaa muujinaysa awoodda Jabuuti ee ku aaddan in ay noqoto xarun muhiim ah oo badeed, isla markaana kaalin mug leh ka qaadata dhaqaalaha gobolka iyo kan caalamkaba