Friday, August 22, 2025
Array

Jabuuti oo Xarun Kilyaha Lagu Daweeyo ka Furtay Tadjourah.

Tadjourah (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Khamiistii xarig jaray xarunta kilyaha lagu daweeyo ee Saad Omar Geelle Foundation, taas oo laga hirgeliyay magaalada Tadjourah si loo ballaariyo helitaanka adeegyada daaweynta kilyaha ee gobollada waqooyi ee dalka.

Xaruntan oo loogu magac daray Saad Omar Geelle oo ahaa masuul sare oo hore uga tirsanaa dowladda isla markaana ahaa walaalkii Madaxweynaha Ismaaciil Cumar geelle oo geeriyooday, waxaa maalgeliyay qoyskiisa iyagoo adeegsanaya hantidiisii. Waxay howsha ku bilaabi doontaa 7 sariirood, waxaana la filayaa inay gaarto 15 sariir bisha soo socota.

Xarunta ayaa lagu qalabeeyay mashiinnada casriga ah ee kilyaha lagu daweeyo, nidaam biyo nadiifin ah iyo koox caafimaad oo uu hoggaaminayo dhakhtar ku takhasusay cudurrada kilyaha, oo ay garab joogaan kalkaaliyaal iyo farsamo-yaqaano. Adeegyada ayaa lagu bixin doonaa bilaash, maadaama xaruntu u dhisan tahay qaab samafal.

Madaxweyne Geelle oo hadal ka jeediyay xafladda furitaanka ayaa sheegay in xaruntani ay daboolayso baahi caafimaad oo muhiim ah: “Xaruntan kilyaha waxay bixineysaa daryeel aan hore uga jirin Tadjourah iyo guud ahaan waqooyiga dalka. Inkastoo aysan ahayn hay’ad dowladeed, haddana waxay u adeegaysaa shacabka, waxaana ku boorinayaa dhammaan inay ilaaliyaan oo dhowraan.”

Wuxuuna ku daray in mashruucan uu dhiirrigelin doono qorshayaal la mid ah: “Waxaan rajeynayaa in mashruucan uu dhiirrigeliyo dadaallo kale oo la mid ah oo laga hirgeliyo meelo kale oo dalka ka mid ah, si muwaadiniin badan ay uga faa’iideystaan adeegyada caafimaad oo wanaagsan.”

Xafladda ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, oo ay ku jiraan Wasiirka Caafimaadka Axmed Robleh Cabdulleh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dileita Mohamed Dileita. Dadka deegaanka Tadjourah ayaa si weyn ugu soo baxay furitaanka xaruntan caafimaad ee cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here