Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo ka tacsiyeysay dadkii ku geeriyooday dabkii Ciraaq

Bagdaad (Dawan)- Safaaradda Soomaaliya ee Bagdaad ayaa ka tacsiyeysay dadkii ku geeriyooday dab xalay ka kacay xaflad aroos oo ka dhaceysay degmada Al-Xamdaaniya ee gobolka Nineveh ee dalka Ciraaq.

Bayaan kasoo baxay safaaradda oo nuqul ka mid ah uu helay TV-ga Dawan ayaa lagu yiri “Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa tacsi u direysa ehelada dadkii ku dhintay dabkii naxdinta lahaa ee ka dhacay degmada Al-Xamdaaniya ee gobolka Nineveh, kaas oo galaaftay nolosha dad badan iyada oo dhaawac soo gaaray tiro kale”.

Bayaanka ayaa intaas raaciyay “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Ciraaq, Waxaana Ilaah ka baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo dadkii ku dhintay, eheladooda iyo shacabka Ciraaqna uu samir iyo iimaan ka siiyo”.

Ra’iisul wasaaraha Ciraaq Maxamed Al-Suudaani ayaa ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroor diiq ah in laga sameeyo guud ahaan dalka, wuxuuna magacaabay guddi baaritaan ku sameeya dhibaatada dhacday.

Guddoomiyaha gobolka Nineveh Najm al-Jubouri ayaa sheegay in ugu yaraan 114 qof ay ku dhinteen ​​halka 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos.

Baaritaanada hordhaca ah ayaa tilmaamaya in baaruuda lagu ciyaaro ay sabab u ahayd inuu dabka kacay iyada oo aysan sidoo kale goobta xafladdu ka socotay lahayn adeegyada dab demiska deg-degga ah.

Dabka ayaa sababy in qeyb ka mid ah dhismaha ay xaflalddu ka socotay kusoo kor dumo dadka taas oo sii siyaadisay dhimashada tirada badan, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka ee goobta gaaray.

Dadki dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay isbitaalada gobolka Nineveh iyo gobolka kale ee Kurdistaan ee waqooyiga Ciraaq.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here