Jabuuti – Jabuuti ayaa Shalay si rasmi ah looga xusay Maalinta Caalamiga ah ee Afka Shiinaha, taasoo qayb ka ah maalmaha Qaramada Midoobay u asteeysay luqadaha rasmiga ah.
Munaasabadda waxaa soo qabanqaabiyay Mac’hadka Jabuuti, iyadoo gacan ka helaya shirkado Shiineys ah oo ka hawlgala dalka.
Munaasabadda waxaa guddoomiyay Wasiirka Waxbarashada Jabuuti, Mudane Mustafe Maxamed Maxamuud, waxaana sidoo kale ka soo qayb galay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Jabuuti iyo mas’uuliyiin kale.
Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2010 si rasmi ah u asteysay maalmaha luqadaha rasmiga ah ee ay ka midka yihiin Carabiga, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka, iyadoo sanad kasta ay dowladuhu xus gaar ah u sameeyaan luqadahooda rasmiga ah.
Danjiraha Shiinaha u fadhiya Jabuuti oo ka hadlay xuska, ayaa ugu horeyn bogaadiyay sida ay dowladda Jabuuti u maamuushay munaasabaddan. Waxa uu carabka ku adkeeyay in maalintan ay fursad muhiim ah u tahay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca waxbarashada.
Safiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inay Shiinuhu diyaar u yihiin in la balaariyo iskaashiga dhinaca waxbarashada iyo horumarka.
Dhankiisa, Wasiirka Waxbarashada Jabuuti, Mustafe Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay ku faraxsan tahay martigelinta munaasabaddan. Waxa uu xusay in Jabuuti ay mar walba diyaar u tahay horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee kala dhexeeya dowladda Shiinaha.