Wednesday, December 4, 2024

Hargeysa iyo Muqdisho oo is dhaafsanaya hadallo kulul

Hargeysa (Dawan)- Somaliland iyo Soomaaliya ayaa is weydaarsanaya hadallo kulul oo siyaasadeed, kuwaas oo ka dhashay muran ku saabsan booqashada ay Hargeysa ku tageen qaar ka mid ah safiirradda wadamada Yurub u fadhiya Muqdisho.

Somaliland waxay sidoo kale si adag uga jawaabtay hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ee ahaa in doorashada Somaliland aysan micno wayn sameynin.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa lagu cambaareeyay Soomaaliya, iyadoo tillaabada loogu yeeray safiirka Denmark ay ku tilmaantay mid muujinaysa faham xumo iyo indho la’aan siyaasadeed. Somaliland waxay carrabka ku adkeysay inay difaaceyso madaxbannaanideeda iyo sumcadda geeddi-socodkeeda doorasho.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay safiirka Denmark, Steen Sonne Andersen inuu ku xadgudbay midnimada qaranka, taas oo dhalisay in loo yeero si wax looga weydiiyo arrimahan. Digniinaha loo jeediyay diblomaasiyiinta caalamiga ah ee taageeray hanaanka doorashooyinka Somaliland ayaa sii huriyay khilaafka labada dhinac.

Xiisaddan ayaa mar kale muujisay kala duwanaanta qotada dheer ee u dhexeysa Hargeysa iyo Muqdisho, iyadoo labada dhinac ay warbaahinta isku mariyeen hadallo kulul oo ku saabsan mowqifyadooda iska soo horjeeda ee midnimada iyo gooni-isu-taagga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here