Shire Abdi
Jabuuti – Jabuuti ayaa martigelisay tartanka 24-aad ee Semi Maratoonka Bariga Afrika, tartan heer caalami ah oo ay ka soo qeyb galeen orodyahano ka kala yimid dalal dhowr ah.
Tartankan, oo si wadajir ah loo soo qaban-qaabiyay Guddiga Ciyaaraha Jabuuti, Ciidamada Jabuuti, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, iyo shirkadda Djibouti Telecom, ayaa ka dhacay garoonka weyn ee Al Xaaji Xasan Abidoon.
Orodyahano ka kala yimid Itoobiya, Kenya, Tunisia, Rwanda, Angola, Burundi, Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa ee Jabuuti ayaa tartanka ka qeyb galay, iyaga oo ku loolamayey guulaha kaalmaha hore. Kaalmaha hore ee tartanka waxaa kusoo baxay orodyahanada Jabuuti, taasoo muujineysa awoodda Jabuuti ee ciyaaraha fudud.
Orodyahanada guusha gaaray ayaa la guddoonsiiyay abaalmarino iyo bilado, iyada oo lagu bogaadiyay dadaalka ay sameeyeen.
“Waa markii labaad aan guul gaaro, Alxamdulillaah! Mahad oo dhan Ilaahay ayey u sugnaatay. Wax kasta oo la gaaro dadaal ayaa ka dambeeya, aniguna dadaal badan ayaan soo galay, xitaa Addis Ababa ayaan kusoo daba baranay. Marka waxaan leeyahay: dadaalku waa midho dhalay,” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil Fatax oo ku guuleystay kaalinta 1-aad.
Guddoomiyaha Xiriirka Orodada Jabuuti, Saciid Ismaaciil, ayaa isaguna munaasabadda ka hadlay, isagoo xusay in ciyaartoyda Jabuuti ay guulo waaweyn kasoo hoyeen tartankan, taasina ay tahay tallaabo horay loogu qaaday horumarinta ciyaaraha fudud ee dalka.
“Orodka maratoonka waa tartan caalami ah oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Guddiga Ciyaaraha iyo Ciidamada Jabuuti, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, iyo shirkadda Djibouti Telecom. Waa tartan leh heer sare oo caalami ah, kuna saleysan dadaal, adkeysi, iyo tartan dhab ah. Ciyaartan waxay fursad u tahay orodyahannada xirfadda leh iyo kuwa xiiseeya isboortiga inay muujiyaan kartidooda iyo adkaysigooda,” ayuu yiri Saciid Ismaaciil.
Tartankan Semi Maratoonka caalamiga ah ayaa ah mid muhiim u ah horumarinta orodada Bariga Afrika, gaar ahaan dalka Jabuuti oo sanad walba martigeliya. Waxaa la filayaa in tartamada mustaqbalka ay sii xoojiyaan awoodda ciyaaraha fudud ee gobolka.