Tuesday, May 6, 2025

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti oo Bilaabaysa Hawlgallo Hubin Aqoonsi oo Baaxad Weyn leh

JABUUTI –Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jabuuti ayaa si rasmi ah u shaacisay inay bilaabayso hawlgallo ballaaran oo lagu adkeynayo ammaanka guud ee dalka. Qoraal ay shalay soo saartay Wasaaraddu, ayay shacabka Jabuuti ugu baaqday inay mar walba wataan kaararkooda aqoonsiga, halka dadka ajaanibta ahna lagu wargeliyay inay haystaan dukumentiyada sharciyeynta joogitaankooda marka ay socdaan.

Tallaabadani waxay qeyb ka tahay qorshe lagu xoojinayo sugidda ammaanka, waxaana lagu wadaa in la bilaabo maalmaha soo socda. Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in la ilaaliyo badqabka shacabka isla markaana loo fududeeyo howlaha ciidamada ammaanka inta lagu guda jiro hawlgallada.

“Ujeedadu waa ilaalinta muwaadiniinta iyo fududeynta shaqada laamaha ammaanka,” ayaa lagu yiri bayaanka Wasaaradda.

Wasaaraddu waxay sidoo kale si adag ugu boorisay dhammaan dadka deggan dalka, muwaadiniin iyo ajaanibba, inay si buuxda uga dhabeeyaan fulinta tilmaamahaan, iyadoo sheegtay in ay muhiim tahay in si adag loogu hoggaansamo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here