Zamzam Mohamed
Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dejisay jadwalka dhismaha Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo Axaddii, kaasoo ay ku tilmaamaysa talaabooyinka muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo aqoonsigeeda rasmiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedraalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalkaasi oo ku taariikhaysan June 29, 2025, kuna socday dhinacyada Madaxweynaha Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo hoggaanka SSC-Khaatumo.
Warqadda oo uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali, ayaa tilmaamaysa in geeddi-socodka dhismaha dowlad-goboleedka la dhameystiri doono bisha July 2025 taasoo ka dhigan inay ku adkaynayso ballanqaadka dowladda ee taageerada dhismaha SSC-Khaatumo si loogu aqoonsado sidii dowlad-goboleed rasmi ah oo ka mid ah nidaamka federaalka Soomaaliya.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fedraalka iyo Reconciliyashinka waxay sii wadaysaa wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay maamul-goboleedyada si loo xaqiijiyo is-dhexgalka habsami u socda ee SSC-Khaatumo ee nidaamka federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warqadda.
Intaa waxaa dheer, warqadda ayaa xusaysa wada-xaajoodyo hore oo dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka SSC-Khaatumo, oo ay ku jirto kulan muhiim ah oo lagu qabtay May 2025.
Sidoo kale, warqadda ayaa faahfaahin ka bixisay talaabooyinka soo socda, oo ay ku jirto kulamo sare ah oo lagu qiimeynayo horumarka la sameeyay, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa amartay in dhismaha hay’adaha SSC-Khaatumo loo diyaariyo in la ansixiyo bartamaha bisha July 2025.
Tallaabadaan ayaa u muuqata horumar weyn oo laga sameeyey geeddi-socodka maamulka ee SSC-Khaatumo, oo muddo dheer u ololeynayay madax-bannaanidiisa siyaasadeed.
Aqoonsiga rasmiga ah ee SSC-Khaatumo sida dowlad-goboleed waxaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, oo ah dal ku shaqeeya nidaamka federaalka.