Saturday, July 27, 2024

Jamaica oo noqotay dowladdii 142-aad ee aqoonsata dowladda Falastiin

Kingston (Dawan)- Dawladda Jamaica ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Dawladda Falastiin, taas oo ka dhigaysa dalkii 142-aad ee aqoonsada in shacabka Falastiin helo dowlad buuxda.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan baaqyada lagu dalbanayo in la aqoonsado dowladda Falastiin si xal waara looga gaaro dagaalka daba dheeraaday ee Isarel iyo Falastiin .

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamaica, Kamina Johnson Smith ayaa sheegtay in aqoonsiga Dowladda Falastiin lagu go’aamiyay kulanka wasiirada, iyada oo carrabka ku adkeysay in dalkeedu sii wadi doono dadaallada lagu baadi goobayo xal waara oo dhax mara Israel iyo Falastiin.

Waxay intaas ku dartay in aqoonsiga Jamaica ay siisay Falastiin uu ka qeyb qaadan doono in la gaaro xal nabadeed oo garab siinaya sharafta iyo xuquuqda Falastiiniyiinta, isla markaana dammaanad qaadaya ammaanka Israel, sida ay hadalka u dhigtay.

Smith waxay muujisay walaaca waddankeeda ee ku aaddan dagaalka Gaza iyo dhibaatada bini’aadantinimo ee sii xumaanaysa, iyadoo ku baaqday in la adeegsado hannaan ku dhisan wada hadal iyo diblomaasiyad, lagana fogaado in dagaal lagu raadiyo xalka.

Dowladda Jamaica ayaa mar kale ku celisay in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo xabbad joojin deg-deg ah, si gargaar bini aadantinimo loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan Marinka Gaza.

Tillaabada Jamaica ayaa imaaneysaa iyada dowlado kale sida Spain iyo Australia ay qorsheynayaan in ay aqoonsadaan dowlad Falastiiniyiintu leeyihiin.

Dowladda Mareykanka ayaa codka qayaxan uga hortimid qaraar dhawaan la hor geeyay Golaha Ammaanka si Falastiin u hesho xubinimadeed buuxda ee Qaramada Midoobay, waxeyna sheegtay in marka hore ay lagama maarmaan tahay in Israel ogolaato dowladda Falastiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here