Sunday, August 17, 2025
Array

Jigjiga oo Soo Bandhigtay Naqshadda Cusub ee Suuqa Taywaanka.

Jigjiga (Dawan TV) – Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo bandhigtay naqshadda dhismaha Suuqa Taywaanka ee magaalada Jigjiga, kaas oo dab baabi’iyay sanadkii 2023.

Bandhigan ayaa lagu shaaciyay kulan uu shir-guddoomiyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida Ibraahim Cusmaan Faarax, waxaana ka qaybgalay guddiga dib u dhiska iyo daneeyeyaasha mashruuca. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray habraaca iyo xeeladaha lagu bilaabi doono dib u dhiska, iyadoo dhammaan ka qaybgalayaashu isku raaceen in shaqada si degdeg ah loo bilaabo.

Jigjiga Mall-ka cusub oo laga hirgelin doono goobtii hore ee Suuqa Taywaanka, waxaa lagu dhisi doonaa qaab iskaashi ganacsi iyo dowladeed (PPP). Sida ay sheegeen masuuliyiintu, dhismahan ayaa noqon doona mid ka mid ah goobaha ganacsi ee ugu waaweyn uguna casrisan dalka Itoobiya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Iyada oo lagu qalabayn doono adeegyo casri ah, Mall-kan ayaa la filayaa inuu ka dhigo Jigjiga xudunta ganacsi ee gobolka, soo jiita ganacsato maxalli ah iyo kuwa caalami ah, isla markaana abuura fursado shaqo oo badan.

Suuqa Taywaanka oo ahaa xarun ganacsi taariikhi ah ayaa ku burburay dab xoogan oo saameeyay boqolaal ganacsato ah, islamarkaana sababay khasaare dhaqaale oo ballaaran. Maamulka ayaa carrabka ku adkeeyay in qorshahan dib u dhisku uusan ku koobnayn dhisme kaliya, balse uu yahay qorshe lagu soo celinayo ganacsiga, lagu taageerayo bulshooyinka, lana xoojinayo kalsoonida maalgashiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here