Jigjiga, DDS – In ka badan 700 oo waalidiin ah oo carruurtoodu wax ka bartaan dugsiyada hoos yimaada Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa ka qeybgalay kulanweyne 11-kii May lagu qabtay Kuliyadda Maaraynta iyo Adeegga Shacabka, kaas oo diiradda lagu saaray kor u qaadidda tayada waxbarashada deegaanka
Kulanka oo socday muddo laba maalmood ah ayaa waxaa shirguddoomiyay mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Xafiiska Waxbarashada Dawlad Deegaanka Soomaalida (DDS) iyo maamulka magaalada Jigjiga. Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Waxbarashada DDS, Mudane Dayib Muxumed Jaamac, iyo Duqa Magaalada Jigjiga, Injineer Shaafi Axmed, ayaa si xooggan u adkeeyay baahida loo qabo xoojinta iskaashiga saddex-geesoodka ah ee u dhexeeya waalidiinta, macallimiinta, iyo maamulka dugsiyada.
“Hadda waqti yar ayaa innagu haray, waxaana u baahanahay in waalidka, macallinka iyo maamulka iskuulka ay si dhow isugu xirmaan,” ayuu yiri Dayib Muxumed Jaamac, isaga oo tixraacayay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhab ah oo lagu gaari karo horumar waxbarasho oo muuqda.
Waalidiinta ka hadlay madasha ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay in la kobciyo garaadka aqooneed ee ardayda, iyadoo si gaar ah loo xoojinayo kormeerka tayada waxbarashada, gaar ahaan xilligan ay soo dhow yihiin imtixaanaadka heer qaran.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo maamulka magaalada Jigjiga iyo Xafiiska Waxbarashada DDS ay wadaan, si loo horumariyo waxbarashada deegaanka loona xaqiijiyo in dhammaan ardaydu helaan fursado waxbarasho oo siman iyo taageero ay ku gaaraan guulo aqooneed oo waara.