Doolow, Soomaaliya – Dowlad Goboleedka Jubbaland, Urur-Goboleedka IGAD, iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa kulan ku yeeshay degmada Doolow, kaasoo diiradda lagu saaray hirgelinta mashruuca DARIS WACAN. Mashruucan ayaa lagu horumarinayaa deegaannada xuduudaha Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya, iyada oo la xoojinayo iskaashiga horumarineed ee bulshooyinka ku dhaqan xuduudahaas.
Kulankan oo uu guddoomiyay Madaxweyne Ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, iyo masuuliyiinta degmooyinka Doolow iyo Beledxaawo. Weftiga caalamiga ah ee ka qeyb galay kulanka ayaa ka kala socday IGAD iyo IOM, waxaana laga wada hadlay sidii mashruucu uga miro dhalin lahaa yoolalkiisa horumarineed.
Yoolka Mashruuca DARIS WACAN
Mashruuca DARIS WACAN wuxuu xooga saarayaa:
- Xoojinta isku-xirka bulshooyinka wadaaga xuduudaha
- Dhisidda kaabeyaasha nololeed, gaar ahaan biyaha iyo deegaanka
- Xallinta caqabadaha la xiriira barakaca iyo isbeddelka cimilada
- Dhisidda adkeysiga bulshada iyo horumarinta nabadgelyada
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo kulanka furay, ayaa xusay in mashruucu muhiim u yahay nolosha dadka ku dhaqan xuduudaha saddexda dal, Jubbaland dhankeeda ayna diyaar u tahay ka shaqeyntiisa.
“Waxaan idiin caddeyneynaa in naga go’an tahay in barnaamijkan uu si hagar la’aan ah u socdo, anagoo suubinayna jawigii, amnigii iyo qaabkii uu barnaamijku u fuli lahaa. Wixii dhankeenna ku xiran maalinna hagar kama gelin doono, dan kalena ma keeneyno ee danta ummadda ayaan horumarinaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland.
Maalgelinta iyo Hirgelinta Mashruuca
Mashruuca DARIS WACAN, oo ay maalgelinayso Midowga Yurub (EU) iyada oo loo marayo Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), ayaa la qorsheynayaa in laga hirgeliyo lix degmo oo xuduudaha ah saddexda dal, isagoo socon doona muddo saddex sano ah. IGAD, oo ay saddexda dal ka wada tirsan yihiin, ayaa fududeynaysa hirgelinta mashruucan.
Dadka ku dhaqan xuduudaha Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya ayaa la filayaa in ay si toos ah uga faa’iideystaan mashaariicda uu mashruucu xambaarsan yahay, taasoo wax weyn ka tari doonta noloshooda iyo horumarkooda. Mashruucan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo xasilloonida gobollada xuduudaha ah, kuwaasoo inta badan ay saameeyaan colaadaha iyo isbeddelka cimilada.
Mashruuca DARIS WACAN ayaa la rajeynayaa in uu kor u qaado nolol wanaagga dadka xuduudaha ku nool, isaga oo siinaya fursado dhaqaale, adeegyo nololeed, iyo horumarin la taaban karo.