Saturday, April 26, 2025

Jubbaland oo uga digtay deegaannadeeda qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka

Kismaayo, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah uga digtay shacabka Jubbaland qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo sheegtay in arrintani ay khilaafsan tahay shuruucda Jubbaland.

War-saxaafadeedka maanta kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in sharci kasta ama nidaam aan si rasmi ah looga heshiin uusan qayb ka ahayn nidaamka Jubbaland, waxaana lagu tilmaamay Kaarka Aqoonsiga Qaranka mid u adeega dano siyaasadeed oo gaar ah.

“Waxaanan u aqoonsanahay in Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu yahay mid loogu talagalay in lagu meel mariyo dano siyaasadeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka Jubbaland inaysan ka qeyb qaadanin wax kasta oo jabinaya sharciga iyo qawaaniinta u yaalla Jubbaland, iyadoo ugu baaqday inay raacaan nidaamyada sharciyeed ee Jubbaland si looga hortago dhibaatooyin mustaqbalka ka dhasha.

Go’aankan Jubbaland ayaa ka dhigan in ay noqotay dowlad-goboleedkii labaad ee si rasmi ah u diida Kaarka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo Puntland ay horey u caddeysay inaysan aqbalayn nidaamkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here