Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta baaq degdeg ah oo gargaar u dirtay beesha caalamka, kadib markii dagaallo ka dhacay degmada Beled-Xaawo ay sababeen barakaca in ka badan 35,000 oo qof.
Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka Bini’aadantinimo iyo Maareynta Masiibooyinka Jubbaland ayaa lagu sheegay in 7,149 qoys — oo u dhigma 35,745 qof — ay u qaxeen tuulooyinka ku dhow Beled-Xaawo, iyagoo aan haysan biyo, cunto iyo adeeg caafimaad.
“Qoysas badan ayaa wajahaya baahi cunto, biyo la’aan, iyo adeeg caafimaad la’aan ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Jubbaland waxay hay’adaha gargaarka u dirtay baaq degdeg ah oo looga codsaday in si dhakhso leh looga jawaabo baahiyaha lixda ah ee degdegga ah: biyo nadiif ah, adeeg caafimaad guur-guura, cunto degdeg ah, hoy ku-meel-gaar ah, nadaafad iyo musqulo, iyo adeegyada ilaalinta bulshada.
Colaadda Beled-Xaawo ayaa bilaabatay 22-kii Luulyo, iyadoo u dhaxeysa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland. Mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa si cad ugu eedeeyay Dowladda Federaalka in ay si toos ah u weerartay magaalada, ayna ciidamo ku daabushay Beled-Xaawo si ay ula dagaalamaan ciidamada Jubbaland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan horay u sheegtay in dagaalka uu ka dhashay falal ka yimid dhanka Jubbaland oo ay iyada bilaawday.
Jubbaland waxay sheegtay in xaaladda barakaca ay si weyn u kordhisay baahida bini’aadantinimo ee ka jirta gobolka.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadantinimo (OCHA) ayaa 29-kii Luulyo soo saaray warbixin uu ku sheegay in dagaalka Beled- xaawo intii u dhaxeeyay 23 ilaa 26 Luulyo ay saameeyeen in ka badan 38,000 oo qof oo ku nool Beled-Xaawo. Waxaa ka mid ahaa 28,000 oo gudaha Jubbaland ku barakacay, iyo 10,200 oo u gudbay gudaha dalka Kenya.
OCHA ayaa sidoo kale tilmaantay in hay’adaha samafalka ay la tacaalayaan caqabado ay kamid yihiin amni xumo iyo dhaqaale yari, taas oo si weyn u saameyneysa gaarsiinta gargaarka.
Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in dagaalku uu weli socday maanta, iyadoo xaaladda Beled-Xaawo ay tahay mid kacsan oo aan deganeyn.