Saturday, July 27, 2024

Kenya iyo Mareykanka oo kala saxiixday iskaashi dhanka difaaca ah

Nairobi (Dawan)- Xoghayaha Difaaca ee Kenya, Aadan Barre Ducaale iyo dhiggiisa Mareykanka Lloyd Austin, ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan wada shaqeynta dhanka difaaca kaas oo awood u siinaya labada dal in ay sare u qaadaan wada shaqeyntooda nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Heshiiskaan oo muddadiisu u dhaxeyso 2023-2028 ayaa looga dan leeyahay in Mareykanka iyo Kenya iska kaashadaan xoojinta xiriirkooda milatari ee dhanka tignoolajiyada difaaca, hubka, iyo dadaalka lagula dagaalamayo argagixisada.

“Maanta waxaa kulan heerkiisu sarreeyo yeeshsay wasaaradaha difaaca ee Kenya iyo Mareykanka, waxaana ku faraxsanahay inaan wada saxiixnay heshiis iskaashi oo muddo shan sano ah ” ayuu yiri, Xoghayaha Difaaca ee Kenya

Xoghayaha ayaa muujiyay muhiimada uu heshiiskani u leeyahay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Kenya iyo Mareykanka, isaga oo yiri.

“Heshiiskaan waxa uu ka dhigan yahay guul muhiim ah oo laga gaaray xiriirka laba geesoodka ah wuxuuna hoosta ka xariiqayaa sida ay nooga go’an tahay ka shaqeynta nabadda, amniga, iyo xasiloonida gobolka iyo caalamkaba”.

Aadan Barre ayaa sii raaciyay hadalkiisa “Waxaan sii adkeynay xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Mareykanka oo ah labada dal oo wadaaga qiyamka guud ee dmoquraadiyadda iyo in la helo adduun nabad iyo barwaaqo ah”.

Ducaale ayaa ku celiyay sida ay Kenya uga go’an tahay inay gacan ka geysato dadaallada nabad ilaalinta caalamiga ah wuxuuna uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah ee hawlgallada nabad ilaalinta ee gobolka.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka ayaa qiray dadaalka Kenya ay ugu jirto nabadda iyo amniga gobolka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaas oo laga gaaray guulo sida uu sheegay.

“Waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Kenya martigelinta ciidamada Mareykanka ee Manda Bay iyo sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta iskaashiga amniga. Saxiixa heshiiskaan iskaashiga difaaca ee labadeena dal waxa uu xoojinayaa muhiimada iskaashiga istiraatijiyadeed ee naga dhexeeya,” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Mareykanka.

Xoghayuhu waxa uu xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay Maraykanka in ay bixiyaan taageero si wax looga qabto caqabadaha ammaanka ee gobolka oo dhan, isaga oo sidoo kale ballan qaaday in Mareykanku uu taageero dhaqaale iyo mid sahayba u fidin doono Ciidanka Difaaca Kenya iyo howlgalka nabadeed ee Haiti.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa hadda safar rasmi ah ku maraya Geeska Afrika, isagoo madaxda Afrika kala hadlaya arrimaha nabadda iyo ammaanka gobolka, qaaradda iyo caalamka.

Xoghayaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Jabuuti isaga oo kula kulmay labada Madaxweyne ee Jabuuti iyo Soomaaliya, waxeyna wada gorfeeyeen dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab iyo sidii nabad iyo xasilooni looga abuuri lahaa Geeska Africa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here