Monday, September 16, 2024

Kenya oo muwaadiniinteeda ugu baaqday inay kasoo baxaan Lebanon

Nairobi (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa ku biirtay dalalka caalamka ee muwaadiniintooda ku sugan waddanka Lebanon ku boorrinaya in ay si degdeg ah halkaas uga soo baxaan.

Walaaca Kenya ayaa imaanaya iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto xiisadda Bariga Dhexe ka dib markii ay Iran wacad ku martay in ay sameyn doonto aargoosi la xiriira dilkii madaxii ururka Xamaas ee dalka Falastiin Ismaaciil Haniyeh.

Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ee qaabilsan qurba joogta ayaa Kenyaatiga ku nool Lebanon kula talisay in ay dalkaas kasoo laabtaan ama u wareegaan wadamo kale oo ay ku badbaadi karaan.

Muwaadiniinta Kenya ee ku sugan dalka Lebanon ayaa sidoo kale loogu baaqay inay is diiwaan geliyaan si looga soo daadgureeyo halkaas, iyada oo lala wadaagay ciwaanada xafiisyada ay iska diiwaan geli karaan.

Talaadadii, Hoggaamiyaha ururka Xisbullahi, Xasan Nasrallah, ayaa khudbad laga sii daayay telefishinka ku sheegay inay lagama maarmaan tahay inay jawaab ka bxiiyaan dilkii Ismaaciil Haniyeh iyo sargaal sare oo ka tirsan Xisbullaahi kuwaas oo lagu kala dilay gudaha Lebanon iyo Iran.

Shirkadda diyaaradaha ee Jarmalka Lufthansa ayaa Arbacadii ku dhawaaqday joojinta dhammaan duulimaadyadeedi ay ku tegi jirtay magaalooyinka Tel Aviv, Tehran, Beirut, Amman iyo Erbil ilaa laga gaarayo 13-ka bishan August.

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 306-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,653 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray 91,535 oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 619 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here