Thursday, September 19, 2024

Kenya… Ugu yaraan 17 caruur ah oo ku dhintay dab ka kacay iskuul

Nairobi (Dawan)- Ugu yaraan 17 arday ayaa ku dhimatay kadib markii uu dab ka kacay qeybta ay seexdeen ee iskuul ku yaala bartamaha Kenya, sida uu Boliisku xaqiijiyay.

Booliska ayaa intaas ku daray in dabku ka kacay dugsiga Hillside Endarasha Academy oo ku yaal deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri saqdii dhexe ee xalay islamarkaana uu qabsaday qeybta ay ardaydu seexdaan.

Afhayeenka Boliiska Risila Onyango ayaa tiri, “Waxaa jira 17 dhimasho ah oo uu sabay dabkan sidoo kale waxaa jira kuwa kale oo loo qaaday isbitaalka iyaga oo qaba dhaawacyo halis ah.”

Boliisku ma sheegin da’da ay ka jiraan ardayda dhimatay iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaartay.

Onyango oo hadalkeeda sii wata ayaa tiri “Meydadka laga soo saaray goobta uu dabku ka dhacay waa ay gubteen ilaa heer aan la aqoonsan karin”, waxay xustay in tiro kale oo 16 ka mid ah ay xaaladoodu aad u liidato kuwaas oo loo gudbiyay isbitaal u dhow. .

Waxay intaas ku dartay, “Waxay u badan tahay in meydad kale la soo saari doono marka la dhammeeyo gargaarka gurmadka ah ,” iyadoo xustay in aan la garanayn sababta keentay dabka, balse waxaa la furay baaritaan lagu ogaanayo.

Sidaan oo kale, sagaal arday ayaa bishii September ee 2017 ku dhintay dab ka kacay iskuul ku yaal magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here