Wednesday, December 18, 2024

Khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya oo laga heshiiyay

Ankara (Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay in lasoo afjaro khilaafaadkii ka dhashay is-afgradkii horaantii sanadkan dhex maray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Heshiiskaan ayaa yimid kadib wareeggi seddexaad ee wadahadallada labada dal ee shalay ka dhacay magaalada Ankara, ayna ka qeybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali, iyada oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

War-murtiyeed laga soo saaray kulanka ayaa u qornaa sidaan;

  • Labada dhinac waxay adkeeyeyeen sida ay uga go’an tahay inay ixtiraamaan qaranimada, midnimada dhuleed, iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dalalkooda, iyagoo u hoggaansamaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah, Xeerka Qaramada Midoobay, iyo Axdiga Aasaasiga u ah ee Midowga Afrika.
  • Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay soo afjaraan khilaafaadka ka dhexeeya, arrimaha lagu muransan yahayna ay dhinac iska dhigaan, si ay ugu tallaabsadaan horumar wadajir ah oo waara.
  • Dowladda Soomaaliya waxay bogaadisay naf-hurnimadii ay ciidamada Itoobiyaanka ah ku bixiyeen howlgallada Midowga Afrika.
  • Labada dhinac waxay isla qireen faa’iidooyinka ka dhalan kara haddii Itoobiya ay si nabad ah ugu gaarto badda , iyada oo la ilaalinayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
  • Waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan sameynta heshiisyo ganacsi oo labada dhinacba faa’iido u leh, kuwaas oo ay ka mid noqon karaan kirayn ama qaabab kale oo la mid ah, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida Soomaaliya.
  • Labada dhinac waxay go’aansadeen inay billaabaan wadaxaajood farsamo dhammaadka Febraayo 2025, iyagoo hiigsanaya inay heshiis kama dambeys ah gaaraan muddo afar bilood gudahood ah, iyadoo Turkigu ka yahay garwadeen .
  • Labada dhinac waxay soo dhaweeyeen kaalinta Turkiga ee fududeynta hirgelinta heshiiskan , waxayna ku heshiiyeen inay wixii khilaafaad mustaqbalka ah ku xalliyaan qaabab nabadeed, iyadoo Turkigu gacan ka geysanayo haddii loo baahdo.
  • Madaxdu waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, dadaalkiisa iyo taageerada joogtada ah ee uu ku bixiyay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga gobolka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here