Thursday, September 19, 2024

kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo walaaca ku lamaanan

Muqdisho (Dawan)- Warbixin uu soo saaray Bangiga Horumarinta Afrika ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya la saadaalinayo in uu sameeyo kobac dhaqaale oo dhan 3.7% sanadkan iyo 3.8% sanadka 2025-ka.

Kobaca dhaqaale waxaa hormuud ka ah soo kabasashada ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada dhoofinta xoolaha, bixinta adeegyada gaarka ah, xawaaladaha iyo maalgashiga, iyada oo goobta istiraatiijiga ah ee ay dhacdo Soomaaliyana ay ka qaybqaadaneyso horumarka dhaqaalaha.

Walaaca ku lamaanan kobaca dhaqaalaha

iyada oo kobacaas jiro hadana Bankiga Horumarinta Afrika waxa uu walaac ka muujiyay laba arrin oo saameyn ku yeaalan doona soo kabsashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Khkhilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhashay is-afgaradkii ay Itoobiya la gashay Somaliland kuna saabsanaa inay gaarto badda, waa qodobka kowaad ee Bankigu ka casbi qabo inuu saameyn ku yeesho kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Qodobka labaad waxa uu Bangigu ku sheegay weerarada Al-shabaab ay ka fuliyaan goobaha ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha iyo hoteelada magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in weeraradaas iyo amni darradu ay sababi karaan inuu hoos u dhaco dakhliga gudaha.

Soomaaliya ayaa laga cafiyay sannadkii 2023-kii dayan dhan $4.5 bilyan kadib markii ay qaaday tillaabo lagu hagaajinayo dhaqaalaha dalka iyo shuruucda lagama maarmaanka ah ee la jaan qaadi kara nidaamyada hay’adaha maaliyadda adduunka.

Ku biiritaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxa ay Soomaaliya ka dhigaysaa in ay ka faa’iidaysato ganacsiga gobolka iyo ammaanka Bulshada Bariga Afrika,” ayuu yiri, Nnenna Nwabufo, Agaasimaha Guud ee Horumarinta Gobolka Bariga Afrika ee Bankiga Horumarinta Afrika.

Warbixinta Bangiga ayaa sidoo kale lagu qiimeeyay dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida uu ugu adkeysan karo dhibaatooyinka kala duwan iyo isbeddellada dhaqaalaha wadamada soo koraaya.

In ka badan 80 % dakhliga Soomaaliya ee dhoofinta wuxuu ka yimaadaa wax soo saarka beeraha oo aan la farsameyn iyo xoolaha loo dhoofiyo wadamada Khaliijka. Mooska ayaa sidoo kale ka mid ah waxa dibadda loo dhoofiyo.

Dhoofinta xoolaha ee Bariga Dhexe, gaar ahaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu qiyaasay 70% inuu ka yahay wax dhoofinta dibadda.

Dalku waxa uu ku tiirsanaa kaalmada horumarineed ee inta badan ka imanaysay wadamada Yurub iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah. Waxa kale oo qayb ka qaadan jiray dhaqaalaha Soomaaliya lacagaha ay soo diraan qurba joogta Soomaaliyeed ee ku sugan daafaha dunida.

Dhallinyarada iyo shaqo la’aanta dalka

Inkasta oo rajo laga muujiyay soo kabsashada dhaqaalaha Soomaaliya hadana marka la yimaado waaqica waxaa jira cabashooyin badan oo ay qabaan dhallainyarada meel kasta oo ay joogaan.

Shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta ayaa noqotay arrinta ugu hadal haynta badan maalmihii ugu dambeeyay, heer ay gaartay in madaxda dowladdu ka hadashao.

Madaxweyen Xasan Sheekh oo ka jawaabayay cabashada dhallinyarada waxa uu sheegay in dadka ka cabanaya busaaradda (shiidka) ay isagu jiraan kuwii wax shaxaadi jiray, kuwii lacagta u uruurin jiray ururuka Al-shabaab, kuwi xadi jiray hantida dadwaynaha ama lacag ku heli jiray been abuurka iyo dacaayadaha

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ayaa madaxweynaha ku dhalillay hadalkaas uu ugu jawaabay dhallinyarada dooneysa inay helaan shaqo, waxeyna ku tilmaamen inuusan jawaab u noqon karin cabashadooda

“Waan ka xaalmarinayaa dhalinyarada sida jees jeeska ah ee uu Madaxweynuhu uga jawaabay dareenka ay kaga cawdeen baagamuudada iyo busaaradda shaqo la’aanta” sidaas waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray xildhibaan Cabdirahman Cabdishakuur .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here