Tuesday, October 22, 2024

Kororka Miisaaniyadda Waxbarashada: Horumar Mise Musuqmaasuq?

Muqdisho (Dawan)- Kororka Miisaaniyadda Waxbarashada: Horumar Mise Musuqmaasuq?

Miisaaniyadda waxbarashada ee Soomaaliya ee 2025 ayaa heshay kordhin ballaaran, taasoo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan heerarka kala mudnaansiinta, saamaynta siyaasadda, iyo suuragalnimada musuqmaasuqa. Miisaaniyaddan la soo jeediyay, oo hadda hortaalla baarlamaanka, ayaa la sugaya in la meelmariyo ka hor dhamaadka sannadka 2024, kadib marka laga doodo.

Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa korortay 54.26% marka loo eego 2024. In kasta oo kororkani uu ujeedadiisu tahay in la hagaajiyo tayada waxbarashada dalka, haddana waxaa uu kiciyay muran ku saabsan saamayntiisa dhabta ah iyo ujeedada ka dambaysa.

Miisaaniyadda waxbarashada ee 2025 ayaa ah $110 milyan, taas oo ka dhigan 8.23% miisaaniyadda guud ee wasaradda maaliyadda soo jeediyay oo dhan $1.34 bilyan . Wasaaradda Waxbarashada ayaa heshay kororka ugu weyn ee dhammaan wasaaradaha. Haddaba Aan aragno sida lacagaha dheeraadka ah loo qorsheeyay in loo qaybiyo:

-Gunnooyin iyo Mushaaraad: Miisaaniyadda mushaaraadka ayaa ahayd $16.26 milyan 2024 iyadoo 2025 ay tahay $65.15 milyan—waa koror dhan $48.89 milyan.

– Kharashaadka Hawlgalka: Waxaa ka kortay $8.91 milyan  ay ahayd 2024 iyadoo noqotay $22.42 milyan 2025, taasoo muujinaysa kordhin dhan $13.51 milyan.

Lacagaha waxaa loo isticmaali doonaa daboolidda kharashaadka maamul ee muhiimka ah sida safarrada, dayactirka xafiisyada, iyo adeeyada kale ee hawlgalka.

Kharashaadka Hantida Ma-guurtada ah: Miisaaniyadda dhismaha iyo soo iibsiga qalabka waxa aya ahayd 2024-tii 9.82 miiyan  waxa ay korortay $12.60 milyan, taasoo miisaaniyadda 2025 gaarsiisay $22.42 milyan.

– Deeqaha Dugsiyada Gaarka ah: Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaa heli doona $13 milyan 2025, taasoo ay ku siyaaday  $7.6 milyan marka lala barbardhigo sanadkii 2024.

Wasiir Faarah Sheikh Cabdulkadir, oo xiriir dhow la leh Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa loo aaneenayaa kororoka baaxada leh ee  miisaaniyaddan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiro eedda ah in kororka mushaaraadka iyo kharashaadka hantida aysan si toos ah uga faa’iideyn doonin ardayda. Waxaa jirta cabsi laga qabo eex iyo musuqmaasuq iyo  in lacagaha si qaldan loo isticmaali doono.

Inkastoo miisaaniyadda weli la sugayo in baarlamaanka ansixiyo kana doddod, hadana doodaha ayaa sii xoogaysanaya. Xildhibaanadu waxay iswaydiinayaan in kordhinta la soo jeediyay ay xallin doonto caqabadaha ka jira nidaamka waxbarashada Soomaaliya, ama inay u adeegto dano siyaasadeed oo gaar ah.

Si kastaba ha ahaatee, natiijada waxay ku xirnaan doontaa sida lacagaha loo maareeyo iyo in wasaaradda ay ka gudbi karto caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa maamul ee muddada dheer carqaladeeyay horumarka dalka. Waqtiga ayaana sheegi doona.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here