Muqdisho-Soomaaliya, Kulankii Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta loo balansanaa ayaa baaqday. Golaha Shacabka oo maanta qorsheysnaa in ay yeeshaan kulan ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa ayaa baaqday, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta keentay baaqashada kulanka.
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xildhibaanada Golaha Shacabka kadib fasax ay galeen maalmaha ciidda. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa Khamiistii kulan ay yeesheen ku go’aamiyay in kulamada Golaha dib u bilaabmaan maalinta Isniinta ee maanta, balse ugu dambeyn kulankaasi wuu baaqday.
Golaha Shacabka wuxuu caadiyan kulamo yeeshaa saddex maalmood todobaadkii, kuwaas oo kala ah Sabti, Isniin iyo Arbaco, taasoo ka dhigan in kulanka xiga la rajeynayo in uu qabsoomo maalinta Arbacada.
Marar hore oo badan ayaa sidan oo kale kulamo Golaha Shacabka ah u baaqdeen, iyadoo aysan jirin sabab rasmi ah oo loo shaaciyo baaqashadaas.